Jacayl aad u Qabto awgii Xaaskaaga ma U Iibin La hayd Dirac Qiimihiisu yahay 9500 $

Sannadkan horraantiisii, Richard Ma oo ah maareeyaha Guud ee Shirkadda Arrimaha Amniga ee fadhigeedu yahay magaalada San Francisco ee dalka Maraykanka, ayaa lacag dhan $9,500 oo dollar Xaaskiisa   uga Iibiyay  dirac      Faaso ah .

 

Waa lacag ku  qaaliye  in laga bixiyo Dirac qudha, gaar ahaan marka Loo eego La biska dadka Bani aadamka ah  . Balse arinka Xiisaha Gaarka ah lehi waxaa weeya Diracani maaha Dirac La taaban karo laakiin waa dirac Muuq kaliya ah oo aynu odhankarno waa Faalso,,

 

Waxa kaliya oo jira ayaa ah sawirka naqshada diraca oo ay ku hami weyn tahay in ay soo saarto shirkadda The Fabricant, waxaana diraca lagu ladhayaa huumaagga muuqaalka xaaska ninkan oo Magaceedu Yahay Mary Ren, kaas oo hadhoow loo isticmaali doono in la galiyo baraha bulshada.

 

Marka si kale La sharaxo Diracan Mucjisada Noqday ee Warbaahinta Adduunku Qaadaa dhigtay,   Hadaba qofka inta uu sawir iska qaado isaga oo dharkiisa caadiga ah Gashan  ayuu ku Samaynayaa waxaa Loo yaqaano afka qalaad ( photo shop)   , Sidaas ayaana lagu dhexgalinayaa Sawirka Gabadha ka dibna waxaa Lala Wadaagayaa b=Baraha Bulshada .

Hadaba Runtii waa qaali, balse marka dhanka kale laga eego waa maalgalin,” ayuu yidhi Mr Ma. waxaana Loo fasishay inuu Aad u jecel yahay Xaaskiisa ku qaaliga ah .

 

Wuxuu sharaxay in isaga iyo xaaskiisa aysan iibsanin waxyaabaha qaaliga ah, balse in sheeygan uu u iibsaday maadaamaa uu u arkay in uu yahay wax leh qiimo Gaara , xilliga fog ah.

“10 sano gudahood, waxaad arkaysaa qof kasta oo xiran dharka digital-ka ah, waana astaan waqtiga ka hadlaysa” ayuu yiri.

Shirkaddan ayaa bil kasta website-keeda soo galisa dharka digitalka ah oo lacag la’aan ah, balse dadka isticmaalaya waxay u baahanyihiin in ay yeeshaan xirfadda iyo aaladihii ay ku dhex galin lahaayeen.

 

Dharkan ma ahan wax la taaban karo, balse waa naqshado lagu naashnaasho sawirrada qofka, taas oo u ekeysiinaysa in qofka uu xiranyahay dhar aan ahayn kan uu xirnaa markii uu sawirka galayay.

Dadka dheela ciyaaraha kumbuyuutarka (games) ayaa muddo badan jeclaa kala doorashada gashiga ay u xirayaan sheeyga ay ciyaarta ku galayaan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker