Heshiiska Dhexmaray RW Ethiopia Abiy Ahmed iyo MW Farmaajo; Waa Heshiis Dhexmaray Indhool iyo Indho-Qabe

May ahayn xilli ku habboon in ay dawladda Soomaaliya heshiisyo gasho. Dalal 50 neeyo sannadood colaado iyo xurgufo dhinacyo badan ihi u dhexeeyeen, heshiisyo kedis ah may ahayn in ay wada galaan. Arrintani waxay u baahnayd in muddo la Faaf-Reebo inta aan heshiiska lagu duugin. Dhinaca Ethiopia waxay ahayd arrin muddo dheer la soo lafa gurayay, laga fikiray , si habboona loo diyaariyay. Xagga dhinaca Soomaaliya ay ahayd arrin ku kooban Madaxwayne Farmaajo Iyo Raysal Wasaare Khayre, oo farsamo ahaan iyo diblumaasi ahaan aan la lafo gurin.Dadkii farsama ahaan shaqadan lahaana, tallo wadaag lalama samayn. Taasu waxay tusaale u tahay khibrad la’aanta, siyaasad xumada iyo hogaan xumida haysata dawladda Soomaaliya . Arrintu sida ay doontaba ha ahaatee; waxa uu ahaa heshiis dawladdi ay soo diyaarsatay oo nin-indhool ah la hoos dhigay. Bal eeg hadalka “Waxay noqon doonaan laba dal oo dal kaliya ah’’. Weedhahaasu waa qaar ku qotoma Istiraatiijiyadda Xilliga Fog ee dawladda Ethiopia ka lee dahay ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogtoba.

 

 

Allaa Mahad Leh,

Mohamed Omer Abdilahi

Administration and Finance Consultant – Hargeisa

Cell Phone 252 2 63 4123692

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker