Bulshadda Gobolka Sool Oo Dalbaday In La Soo Gaadhsiiyo Lacagta Shillinka Somaliland

Bulsho weynta ku dhaqan gobolka Sool ee Somaliland ayaa mudaharaad ay kaga soo hor jeedaan isticmaalka lacagta shilling Soomaaliga iyo sicir barar ay lacagtaasi sababtay manta dhigay magaaladda Laascaanood.

Waxaanay dadweynihii mudaharaadka dhigayay muujiyeen sida ay dhibaatadda ugala kulmeen isticmaalka lacagta shilling Soomaalida iyo sida ay ugu baahan yihiin lacagta shillinka jamhuuriyadda Somaliland.

Badhasaabka gobolka Sool C/qani Maxamuud Jiidhe, oo isu soo baxaasi dadweynaha ka hadlay ayaa sheegay in ay wax lagu farxo tahay sida ay dadweynuhu u diidan yihiin isticmaalka lacagta shillin Soomaaliga.

Waxaanu balan qaaday in ay si dhakhso ay gobolka Sool u keeni doonaan lacagta shillinka Somaliland, si ay dadweynaha iyo ganacsatadu uga maar maan lacagtii hore looga isticmaali jiray gobolkaasi.

Badhasaabka ayaa baaq u diray wasiirka maaliyadda Somaliland iyo guddoomiyaha baanka dhexe oo uu ka codsaday in ay gobolka Sool keenaan lacagta shillinka Somaliland, si ay meesha uga baxdo lacagtii shilinka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker