Qoys Maraykan Ah Oo Lagu Laayey Dalka Mexico
Ugu yaraan sadex Haween ah iyo lix Caruur ah oo Ahaa muwaadiniin Mareykanka ah ayaa lagu dilay Weerar ka dhacay waqooyiga Mexico, sida ay Xaqiijiyeen saraakiisha Amniga ee Dalkaasi.
Falkan ayaa waxaa ka badbaaday lix caruur ah, iyadoo dhanka kale la helay Ilmo yar oo dhaawac daran uu ka Muuqdo.
Xoghayaha Nabadgelyada Mexico, Alfonso Durazo ayaa sheegay in Weerarkan ay ka danbeeyeen kooxaha ka Ganacsada daroogada ee ku sugan Mexico.
Wuxuu intaa ku daray in dadkan ay saarnaayeen gaadhi laguna qaldamay dilkooda maadaama kooxaha ka ganacsada daroogada ee ku sugan Mexico mudooyinkii la soo dhaafay Ugaadhsi isugu Jireen.
Inkastoo wali Ilmo yar Aan lahayn nolol Geeri hadane waxaa Caruurtii ka badbaaday la geeyay Magaalada Phoenix, ee gobolka Arizona.
Muwaadiniinta Mareykanka ayaa mudo tobanaan sano ku noolaa magaalada La Mora ee ismaaulka Sonora sida ay xaqiijisay dowlada Mexico.




