Wafti Ka Socda Dawlad Degaanka Somalida Ethiopia Oo Somaliland Soo Gaadhey.
wasiiro ka tirsan xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta wafti balaadhan oo ka socda dawlad degaanka Somalida Ethiopia kusoo dhoweeyey magaalo xuduudeedka Tog-wajaale ee degmada Wajaale.
wasiiradda wasaaraddaha Horumarinta Biyaha,Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland ,Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ,Wasiirka Wasaaradda Difaaca,Badhasaabka Gobolka Gebiley iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland ayaa kaga hortegay waftigan magaalo xuduudeedka Tog-Wajaale .
waftigan ka socda dawlad degaanka Somalida Ethiopia waxa horkacaayey Hogaanka Nabadgelyadda Dawlad Degaanka Somalida Ethiopia , Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Dawlad degaanka , waxaana ugu horeyn waftigaasi goobtaas kusoo dhoweeyey wasiirka wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland Md Saleebaan Cali Koore oo sheegay in ay labada dawladood ka wada hadli doonaan arrimaha Nabadgelyadda iyo wada noolaanshaha shacabka walaalaha ah ee reer Somaliland iyo reer Ethiopia.
waxaanu wasiir Saleebaan Cali Koore Sheegay in dadka Reer Somaliland iyo shacabka dawlad degaanka Ethiopia ay yihiin dad isku ehel ah ,isla markaana ay ka dhexeeyaan waxyaalo badani.
waxa isna dhankiisa goobtaas ka hadlay Hogaanka Nabadgelyadda dawlad degaanka Somalida Ethiopia oo uga mahadceliyey wasiiradda ka socday Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sida diiran ee ay ugu soo dhoweeyeen dalka ,waxaanu tilmaamay in ay labada dal ka wada hadli doonaan arrimaha nabadgelyada iyo xoojinta xidhiidhka labada dawladood.
sidoo kale waxa uu Hogaanka Nabdgelyada ee dawlad degaanka Somalida Ethiopia ka tacsiyadeeyey Jamhuuriyadda Somaliland shacab iyo dawladba geeridii ku timid Taliyihii ciidamada Booliska Somaliland Sareeye Gaas Cabdilaahi Fadal Iimaan oo xalay ku geeryooday magaaladda Hargeysa maantana lagu aasay xabaalaha masalaha ee dulleedka Koonfureed ee magaaladda Hargeysa.





