Siyaasi Mustafe Shiine Oo Fariin U Diray Maayir Cabdikariim Axmed Mooge
Farriintan ku socota maayir Moogge waxaa qoray siyaasi Mustafe Shiine :-
Dhaamka Jigjiga yar iyo Dhaamamka kale ee Hargeysa marka laga maarmo yaan laga dhisin goobo ganacsi ee ha loo daayo beero ummaddu ku nasato oo laga helo qalab kooban oo lagu fadhiisto, kuwo ay caruurtu ku cayaarto iyo qaar lagu jimicsado.
Maayar Abdikariin Ahmed Mooge waxaan lee yahay waxa ay tallaabadani ka turjumi doontaa halkudhigaagii ahaa ‘Hargeysa oo qurxoon”.





