Muqdisho: Askar ‘loo xiray’ shaqaaqo ay xalay ku dhinteen 7 qof

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa sheegay in la xiray ciidan ku lug lahaa shaqaaqo xalay ka dhacday isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, oo ay ku dhinteen toddoba qof.

Shaqaaqadaas ayaa waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Guddoomiyaha Degmada Yaaqshiid Sulaymaan Faarax. Dadka dhintay badankood ayaa ahaa shacab.

shaqaaqada ayaa timid kadib markii muran uu ka dhashay isku day uu guddoomiyaha degmada Yaaqshiid doonayey inuu kaga gudbo bar kontorool oo ay joogeen ciidanka dowladda federaalka.

Guddoomiye Yuusuf ayaa sheegay in la xiray dhammaan ciidankoo joogay barta kontorool, islamarkaana sharciga la horkeeni doono, isaga oo ballan-qaaday in dhibbanayaasha ay caddaalad heli doonaan.

Madaale, oo warbaahinta kula hadlay halkii ay shaqaaqadu ka dhacday ee isgoyska Siinaay, ayaa sheegay in kiiska lagu wareejiyey CID iyo Maxkamadda Ciidamada si baaritaan loogu sameeyo.

Waa markii labaad ee muddo toddobaad gudaheed ah oo iska horimaad uu ka dhaco Isgoyska Siinaay. Sidoo kale waxaa halkaas 18-kii bishan isku rasaaseeyey ciidanka ku sugan isgoyska iyo kuwa kale oo ka tirsan dowladda federaalka.

Duqa Muqdisho ayaa sheegay inay isku dayi doonaan inay xal waara u helaan iska horimaadyada ciidamada dowladda ku dhexmara baraha kontorool ee caasimadda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker