Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo Hadda Wasiirro cusub Magacaabay.

Muqdisho-(OWN)-Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane; Xasan Cali Kheyre, ayaa Magacaabay xubno wasiirro ah oo ka mid noqon doona Golaha wasiirrada ee xukuumadda Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya mudane; Daahir Maxamuud Geelle oo warbaahinta u akhriyay wasiirrada cusub ee uu Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Magacaabay ayaa kala ah sidan:-

Mudane; C/llaahi Goodax Barre, Wasiirka Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta sare.

Mudane; Sheekh Nuur Maxamed Xasan , Wasiirka Awqaafta iyo arrimaha Diinta.

Mudane; Xuseen Sheekh Maxamuud Xuseen, Wasiirka xannaanada Xoolaha.

Mudane; C/llaahi Bidhaan Warsame, wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

Mudane; C/qaadir Sheekh Cali Baqdaaddi, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada.

Mudane; Shawaqar Ibraahim Cabdalla; wasiir ku xigeenka Wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha.

Wasiirrada cusub ee la Magacaabay ayaa la faray in ay si deg-deg ah ula wareegaan xilkooda, waxana wareegtadani lagu Magacaabay wasiirrada ay kusoo bixi doontaa faafinta rasmiga ah ee Dowladda federaalka Soomaaliya.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker