Aas Qaran oo Loo Sameeyay Laba Sarkaal oo ka Tirsanaa Ciidanka Dab-demiska JSL oo Maalintii Shalay Shil Baabuur ku Geeriyooday.

Hargeysa ( OWN)-Wasiirada Wasaaradaha Arrimaha Gudaha, Gaashaandhiga, Horumarinta Biyaha, Wasiir xigeenka Qorshaynta Qaranka , Masuuliyiinta Dawlada Hoose Hargeysa iyo Gobolka Maroodijeex, Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska ,Taliye Xigeenka Ciidanka Dab-demiska, iyo Taliyaha Guud ee Ciidanka Dab-demiska Somaliland ayaa maanta ka qayb galay aas qaran oo loo sameeyay Laba Sarkaal oo ka tirsanaa ciidanka Dab-demiska oo maalintii shalay ku geeriyooday shil Gaadiid oo ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Hargeysa.

Masuuliyiintan ayaa Marxuumiintaa ilaahay uga baryay in Jannooyinkiisii ugu deeqo, dhammaan Ehelkii, Asxaabtii, Qaraabadii, Qoyskii, Ciidamada Qaranka gaar ahaan Ciidanka Dab-demiska iyo guud ahaan qaranka ay ka baxeenba Samir iyo iimaan saadiqa ilaahay ka siiyo.

Innaalilaahi wa innaa ilayhi Raajicuun.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska
Hargeysa/Somaliland
990 Emergency Call
www.somalilandfire.com

Image may contain: one or more people, people standing, child and outdoorImage may contain: one or more people, crowd, wedding, child and outdoorImage may contain: 2 people, people standing, sky, wedding, crowd, tree, outdoor and nature

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker