Wasiirka Ganacsiga Soomaaliya Oo Sheegay Inay Ka War Hayaan Ganacsato Shabaab Lacago Siiya.

Muqdisho-(OWN)-Dowladda Somaliya ayaa sheegtay inay ka war hayso ganacsato Somaliyed oo Al Shabaa dhaqaale siiya, kuwaasi oo ku kala sugan qaybaha kala duwan ee dalka.

Hadalkaan, ayaa waxaa sheegay Wasiirka Ganacsiga Somaliya oo tilmaamay ganacsatada inay Shabaab dhaqaalaha u siiyaan cabsi ay ka qabaan oo naftooda ay ku furtaan sida Wasiirka uu sheegay.

Wuxuu sheegay ganacsatada oo kaliya inaysan dhib ku haynin Shabaab, balse lacago ay ka qaadaan beelaha Somaliyed, Beeraleyda & cid kasta oo dhaqaale haysata, isaga oo intaasi ku daray in dadka qaarkii dulqaadkii uu ka dhamaaday oo hadda ay bilaabeen inay hubka qaataan si ay Shabaab isaga celiyaan.

“In ganacsatada Somaliyed ay lacag siiyaan Shabaab iyaga oo naftooda ku furanaya waa wax Waadix ah oo cid kasta ogtahay, waxaa la dhihi karaa meel furan oo aanay ka qaadin dalka, waa yar tahay, waad ogtahay beelihii ayeey dhibayaan, dadka qaarkii iyaga oo aan ciidan aheyn ayeey hubkii qaateen oo beelihii xittaa waa ay dhibayaan, dadka carruurtooda yar yar xoog uga qaadanayaan, dhibaato wayn ayeey Shabaab dalkaan ku hayaan xaq dhaqaale, xag Bulshaba.” Ayuu yidhi Wasiir Maareeye.

“Wasaaradda amniga ayeey shaqadeeda tahay inay kadaba tagto oo ogaato Sirdoon ahaan Shabaab cida taageerta oo lacag ku taageerta ama si kale u taageerta, laakiin anaga ganacsatada qaar badan oo ka mid ah duruufaha amni ay ku sugan yihiin waa ay inooga sheekeeyen, inay xilliyada qaar naftooda lacag ku furtaan, nimankaan waa Al-Qaeda xukunkooda ugu yar waa dil, laakiin ganacsatada waxaan leeyahay diida oo waxaad tiraahdid idinkoo dhan waan diidnay in aan Shabaab lacag siino.” Ayuu yidhi hadalkiisa sii raaciyay Wasiir Maareeye.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker