War Degdeg ah: Qarax Xooggan Oo Caawa Ka Dhacay Magaalada Buuhoodle Iyo Khasaaraha Kadhashay

 

 

Buuhoodle(OWN) Qarax Xooggan ayaa Salaaddii Maqrib ee Caawa wuxu ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle Ee Xarunta Gobolka Buuhoodle, waxana sida ay sheegayaan Wararka nagasoo gaadhey qaraxaas oo loo adeegsadey Gaadhi nooca loo yaqaanno NOHA laga maqlayey inteeda badan magaaladaasi. Waxana qaraxan oo ka dhacay meel u dhow Masjid jaamaca dhexe dhinaca bari ee magaaladaas lala beegsaday gaadhi ay saarnaayeen siyaasiyiin.

 

Waxana wararku intaas kusii darayaan in qaraxaas ay ku naf-waayeen laba ruux halka afar kalena ku dhaawacmeen, waxana shakhsiyaadka qaraxaas ku naf-waayey wararka hordhaca ah lagu sheegay inuu kamid yahay Wasiirkii hore Arrimaha gudaha Maammulka Khaatumo Axmed Maxamuud Doolaal halka mas’uuliyiin kale oo katisan xukuumadihii hore ee Somaliya iyaguna ay wax ku noqdeen qaraxaasi.

 

Waxana lasheegaya in qaraxa kaddib ciidammada ammaanka Somaliland soo gaadheen goobtaas kuwaasoo la wareegey ammaanka magaaladaasi waxana hakad galay isusocodka guud ahaan dadka iyo gaadiidka ee magaaladaasi.

 

Dhinaca kalena Ilaa Hadda Lama Garanayo Cidda Ka Danbaysey Qaraxan Iyo Ujeeddadiisa toonna.

 

Oodweynenews.com/Buuhoodle

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker