Labo kamida shaqaalaha gargaarka oo lagu dilay rabshadaha Ethiopia

Hay’adda gargaarka Maraykanka ee Catholic Relief Services ayaa sheegtay in laba ka mid ah shaqaalaheeda lagu dilay gobolka ay qalalaasuhu ka jiraan ee Axmaarada ee ku yaalla woqooyiga dhexe ee Itoobiya.

Chuol Tongyik iyo Amare Kindeya ayaa lagu toogtay gaarigooda xilli ay ku soo laabteen magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa, iyagoo ka soo baxay howlo shaqo.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa gobolka Axmaarada ka socday qalalaase iyo mudaaharaadyo waawayn oo lagaga soo horjeedo xukuumada oo ay dhigayeen dad aan ku faraxsanayn amar rasmi ah oo lagu kala dirayo ciidamada gaarka ah ee gobolka.

Ciidamadaasi waxa ay ka barbar dagaalameyeen ciidammadii federaalka dagaalkii ugu dambeeyey ee Tigrayga.

Dibad-baxayaasha ayaa sheegay in tallabadaasi ay u horseedi doonto inay la kulmaan weeraro kaga imaanaya gobollada deriska la ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker