QABYAALLADU QIIL MA LEEDAHAY?
Baraha bulshada waa meesha ugu balaadhan ee lagu soo bandhigo aragtiyaha iyo afkaaraha ay bulshadu aaminsan tahay, waana meel laga dheehan karo, hadba hanka iyo himilada ay bulshadu xambaarsan tahay inta uu leeg yahay.
Waxa hubaal ah, in cidkasta oo maanka ku haysay in ay aragto Somaliland oo horumar iyo barwaaqo ku naaloonaysa, ay ka niyad xumaanayso markay aragto sida ay wax u socdaan.
Haddii aad u dhugmo yeelato fariimaha laysku waydaarsanayo baraha bulshadu wadaagto, waxay muujinayaan in duruufta siyaasiyaasadeed ee wadankeena ka jirtaa ay tahay, mid la daalaadhacaysa dabaylaha qabyaaladda xambaarsan ee bulshadeena sida ba’an u aafeeyay. Waxa kale oo ay hoosta ka xariiqaysaa in aragtiyaha iyo aaraa’da lays dhaafsanayaa, ay salka ku hayaan abtirsiimo la siyaasadeeyay, taa soo ay adkaan doonto in laga midho-dhaliyo u jeedooyinka horumarineed ee maankeena ka guuxaya, inta ay qabyaaladdu inoo tahay aragti siyaasdeed.
Sida aynu ogsoonahay aqoontu waa iftiinka iyo ilayska ay aadamuhu ku hagmaan, iyadaana fure u ah, horumarka kasta oo lagu majeerto dunida guudkeeda. Waxa kale oo ay aqoontu tahay, dhahaba loo maro bulsho garasho toolmoon leh oo si waafiya uga fikiraysa mustaqbalka ay higsanayso, taa soo aanay la’aanteet cidina gaadhi karin halka ay higsanayso.
Hadaba waxay su’aashu tahay, maxay aqoonta iyo xadaarada aynu dunida la wadaagaynaa u noqon waayeen, kuwo inoo iftiimiya jidkii ay dadyowga caalamka ku nooli ay u mareen horumarka ay ku naaloonayaan?.
Maxay se dhalinyarada la kowsatay kobaca aqoontu, u noqon waayeen kuwa la jaanqaadi kara dhalinta kale ee facooda, ku waa soo maalin walba daaha ka rogaya, hal abuuro cusub oo dunida saameyn ku yeeshay, halka ay dhalinteenuna casharada ka qaataan, kooxaha ka saaqiday dhaqanka iyo siyaasada ee maalin walba wararka dhiilada leh, la soo taagan war baahinta noocyadeeda kala duwan.
Si kasta oo ay ahaataba, waxay arrimahani bidhaaminayaan in aqoonyahanka maanta joogaa, uu la aragti yahay jiilkii ku barbaaray nolosha baadiyaha ee ay qabyaaladdu halbeega u ahayd, waana halkaa meesha ay ka liicayso talaabada kasta oo aynu holinaynaa.
Waxaad yaxyax iyo amakaak dareemaysaa, markaad aragto kuwii lays-lahaa waxay bulshadooda ka sabata bixin doonaan dhibaatooyinka ragaadiyay ee ay qabyaaladdu kow ka tahay, oo iyagii war-baahinta la soo taagan, saamigii kuraasta ee reerkayaga badh baa ka maqan, iyaga oo hilmaansan in baahida dowladnimada loo qabaa ka mug weyn tahay kuraasta oo qabyaaladda lagu qaybsado, sidoo kalena ay iyaga waajib ku tahay in ay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada shacabka Somaliland, kana dheeraadaan wax kasta oo bulshada sii kala fogayn kara.
Guntii iyo gaba gabadii, waxa shacabkan saboolka ah tudhaale u noqon kara, in laga daayo ficilada lagu kala qaybinayo ee maalin walba jooga, islamarkaana laga shaqeeyo sidii loo mideyn lahaa maalkooda, masgaxdooda iyo muruqooda, midaa saana dhaxal wanaagsan u noqon karta, cidkasta oo si uun ugu lug leh, arimaha bulshada saameeynta ku leh.
Haddii caqliga iyo garashada inagu jirtaa ay inoo goyn-waydo, in aynu garwaaqsano godka qaniinayaa in uu yahay qabyaaladda, anaigi gunnimo middaa ka weyn garanmaayo.
By Cumar Axmed Cali: cumaraxmed331gmail.com/0634244802.