Dabley Hubaysan Oo Dad Ku Laysay Deegaanka Dhooba-guduud Ee Gobolka Buuhoodle
Buuhoodle(OWN)-Laba qof ayaa ku dhimatay Deegaanka Dhooba-Guduud oo u dhow tuulada Dandan oo ka tirsan Gobolka Buuhoodle, kadib markii koox dabley ah ay weerar ku qaadeen dabley hubaysan.
Dadkan la laayey oo ahaa xoola-dhaqato Geel ku haystey halkaasi ayaa loo aanaynayaa in ay salka ku hayso xiisad colaadeed oo ka dhalatay nin gacan ku dhiigle ah oo maalintii sabtidii dabley ay isku hayb yihiin kala bexeen saldhiga Buuhoodle.
Xaalada magaalada Buuhoodle ayaa maanta aad u kacsanayd in kasta oo aanay weli jirin cid u dhaqaaqday kala qaboojinta xiisadan sida uu suxufi Cali Dhegjar uu xaqiijiyey , waxaana uu intaas ku daray in laga cabsi qabo duulaamo aargoosi oo labada dhinaca isdhaafsadaan.
Deegaanka Buuhoodle ayaa inta badan colaado noocan ah ay ka dhacaan mana jiro maamul awood leh oo wax ka qaban kara aan ka ahay madaxda dhaqanka oo iskeed isu xilqaanta.
