Xiisada U dhexeysa Ciidanka Soomaaliya iyo kuwa Kenya ee Xadka oo sii Xoogeysatay

Muqdisho (OWN) – Wararka ka imaanaya xadka kala qeybiya Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegaya in markale xiisad u dhexeysa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya laga dareemayo deegaanada dhaca xadka labada dal.

 

 

Xiisadan dib u soo cusboonaatay ayaa timid, kadib markii la sheegay in ciidamo ka tirsan kuwa Soomaaliya ee ku sugan duleedka degmada Beled-xaawo ay Bam-Gacmeed ku tureen dhanka magaalada Mandera, gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

 

 

Wararka ayaa sheegaya in falkaasi kadib ciidamada Kenya ay dhaq dhaqaaqyo cusub ka bilaabeen xadka labada dal, iyadoona saraakiil ka tirsan milatariga dalkaasi ay sheegeen inay ka hortagi doonaan, haddii weerar lagu soo qaado, sida ay hadalka u dhigeen.

 

 

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowladda ee ku sugan gobolka Gedo, gaar ahaan duleedka Beled-Xaawo oo ku aadan eedeyntaasi.

 

Tan iyo wixii ka dambeeyey markii ciidamada dowladda federaalka iyo kuwa Jubbaland ay ku dagaalameen Beled-Xaawo ayaa xaaladda xadka waxa ay aheyd mid ay ka jiraan dhaq dhaqaaqyo xoogan, kadib markii wasiir Janan iyo ciidamadiisa ay galeen Mandera.

 

 

Kenya oo xiriir dhow la leh maamulka Jubbaland ayaa waxaa lagu eedeeyey inay gabaad siisay wasiir amniga maamulkaasi oo haatan baxsad ka ah dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, sidoo kalena ay ka qeyb-qaadatay dagaalkii labada dhinac ku dhex-maray halkaasi.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker