Wasiirka Waxbarashada JSL Oo Ku Baaqay In La Joojiyo Dhisme Sharci-darro Ah Oo Ka Socda Gudaha Dugsiga Sheekh Bashiir

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, Md. Cismaan Jaamac Aadan ayaa laamaha Dawladda ugu baaqay si deg-deg ah u joojiyaan dhisme uu sheegay inuu Sharci-darro yahay, kaasi oo dhismihiisu ka socda Gudaha dugsiga hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir ee Magaalada Hargeysa.

 

Wasiirku wuxuu sheegay in dhismaha ka socda gudaha Deyrka Dugsiga Sheekh Bashiir aanu ahayn ka ay leedahay Maktabadda Gaandi oo Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u ogolaatay inay dhisme ka samaysto, balse wuxuu sheegay in dhismaha hadda laga dhex wado dugsiga Sheekh Bashiir uu yahay mid Sharci-darro ah.

 

Wasiir Cismaan Jaamac Aadan oo Warqaddiisa ogaysiin ku siiyey Madaxweynaha, Maayarka Hargeysa, Taliyaha Ciidammada Booliiska iyo Wasiirka Hawlaha guud ayaa qoraalkiisu u dhignaa sidan “Waxaanu ka war hellay dhisme ka socda dugsiga Sheekh Bashiir gudihiisa, kaas oo aan ahayn kii dhismihii Maktabadda Gaandi isla-markaana wax Alaale iyo wax aanu kala soconaa aanay jirin. In dhulka danta guud ee Dawladda, gaar ahaan goob waxbarasho la dhisto si loogu isticmaalo dan gaar ah waa Sharci-darro iyo denbi Qaran. Masuuliyiinta Laamaha Dawladda ee ay hawshani khusayso waxaanu si dhakhso ah uga codsanaynaa in ay joojiyaan dhismahaas sharci-darrada ah..” ayuu Wasiirka Waxbarashada iyo Sayniska Somaliland uu Warqaddiisa ku yidhi.

 

Ilaa hadda lama oga, Cidda leh dhismaha ka socda gudaha Dugsiga Hoose/dhexe ee Sheekh Bashiir ee Magaalada Hargeysa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker