Dhegayso: Dawlada Somaliland oo ciqaab adag kasoo saartay dhoofinta duur joogta
Somaliland ayaa sheegtay inay ciqaab adag mudan doonaan dadka sida sharci daradda ah u dhoofiya Duur joogta.
Arrintan ayaa ka danbaysay iyadoo todobaadkii hore Ciidamada Militarigu ay qabteen 12 xabbo oo harima cad ah kuwaasi oo la doonayay in sifo sharci darro ah loo dhoofiyo.
Harima cadkan ayaa waxaa hadda ka nool 3, waxaana dawo siinaya dhaqaatiir ay qaarkood ka yimaadeen dibedda.