Dhawaaqa Rasaasta Oo Dadweynaha Reer Sheekh Dhegaha Xanuujisay.

Dhawaaqa Rasaas Xoogle Ayaa Laga Maqlayaa Gudaha Degmada Sheekh Ee Gobolka Saaxil Waxaana La Sheegayaa Inay Rasastaasi Ridayaan Ciidanka Dhubooga Ah Ee Lagu Toobabaro Xereda Toobabarka Ee Ciidanka Milatariga Ee Magaaladasi Duleedkeeda Kuunfureed Kaga Beegan.

Sababta Furista Rasaasta ayaa La Sheegay Inay Ka Dhalatay Iskudhac Ay Isku Dhaceen Dhalinayarada Xereda Toobabarka Kujirta Iyo Dhalinyarada magaalada Oo Iyaguna Dhinacood Dhagax Iyo Shiid Kala Hortagay Dhalinyarada Ciidanka Ah.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Ee Gibolka Saaxil Aadan Axmed jibriil(Aadan Calas) Aan Khadka Tilifoonka Kula xidhiidhay Isagoo Jooga Degmada Sheekh ayaa Warkan Ii Sheegay Waxaanu Intaa Kudaray In Isku Dhacu Saameeyay Ciidanka Booliska Oo Arinta Ka Gurmaday Hase Yeeshee Dhalinyarada Milatariga Iyo Magaaladu Dhego Uyeelan Waayeen Hakinta Weerarka Labada Dhinac Ah.

Wax Khasaare Nafeeda Oo Isku Dhacan ka Dhashay Lama Sheegin Lama Oga Maadama Oo Weli Rasaastu Dhacayso Aan Laysu Baxayn.

Xigasho Weriye Mohamed Soofadhise

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker