Turkiga iyo Itoobiya Oo ka Shiray Qaabka loo Wajahayo Wada-hadallada Somaliya & Somaliland.

Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Itoobiya waxaa kulan ku yeeshay Argayga gaarka ah ee Turkiga u Qaabilsan Wada-hadallada Dowladda federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland Mr Olgan Bekar iyo Wasiiru dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya, iyaga oo ka wada hadlay Arrimo kala duwan.

 

Qodobada ay ka hadleen Hirut Zemene iyo Olgan Bekar Waxaa  ugu weynaa wada-hadallada Dowladda Somalia iyo Soomaaliland iyo sidii loo sii amba- qaadi lahaa , maadaama dhowrkii sano ee la soo dhaafay ay hakad ku jireen.

 

 

Dowladda Turkiga ayaa Imika U muuqata mid  Hormood ka ah  wada-hadallada Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland,waxaanay dhawr shir ku Qabtay  Dalkeeda,  oo ay kuwada Halsiisay Labada dhinac ,  Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland in kastoo Aanay wax Natiijo ahi  kasoo bixin.

 

Wada-hadalladda Dowladda Soomaaliya iyo Soomaaliland ayaa hakad ku jira tan iyo sanadkii 2014-kii,waxaana dad badan ay dowladda hadda jirta ku eedeeyeen inay ka gaabisay wada-hadalladaas wallow Guddi ay u magacaawday.

 

By Suxufi Sinyoore

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker