Xubno Ka Tirsan Al shabaab oo ku dhintay Qarax ay Samaynayeen

Jugta qarax xoogan oo inta badan laga maqlay degmooyinka Gobolka banaadir ayaa waxa uu ka dhacay Guri ku yaalo Xadka ay wadaagaan labada Dagmo ee Dharkenley iyo Kaxda halkaas oo ay Dagaalamayasha Al-Shabaab ku diyaarinayeen qarax.

Waxaa la sheegay in Raggi Qarax diyaarinayay ay dhamaantood ku dhinteen Qaraxa ay halkaasi ku ka sameeynayeen.

Maamulka Degmooyinka Dharkenley iyo kaxda oo la hadlay Warbaahinta ayaa xaqiijiyay dhacdadaan iyagoona xusay in ay halkaasi ku dhinteen xubnihii ka tirsanaa Al-Shabaab ee qaraxa diyaarinayay, iyagoona sheegay in ay warbaahinta u usoo bandhig doonaan tiradda ku dhimatay qaraxa ay sameeyeen Kooxda Al-Shabaab

Sawirro laga soo qaaday Guriga uu qaraxu ka dhacay ayaa muujiyey burbur xoogan oo soo garay dhismaha Guriga.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker