Qaramada Midoobay oo $5 milyan ku bixisay wax ka qabashada fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya

Qaramada Midoobay (QM) ayaa ku deeqday lacag dhan 5 milyan oo dollarka Maraykanka ah si wax looga qabto roobabka daadad xooggan wata oo ka da’ay guud ahaan Soomaaliya.

Kaalmada cusub ayaa ku soo beegantay lacag dhan 25 milyan oo doollar oo ka timid Sanduuqa Gargaarka Bani’aadannimo ee Soomaaliya iyo Sanduuqa Dhexe ee wax ka qabashada xaaladaha degdegga ah ee Qaramada Midoobay, sida uu sheegay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Xiriirinta Arrimaha Bani’aadamnimada (OCHA).

“Shaqaalaha bini’aadantinimada ayaa shaqeeya habeen iyo maalin si ay uga jawaabaan baahiyaha isa soo taraya, iyagoo qaadaya tillaabooyin, si ay u yareeyaan saameynta degdega ah ee El Nino iyo dhisidda adkeysiga bulshooyinka.” ayaa lagu yiri qoraalka UN-ka.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa dhawaan ku booriyay Hay’adaha Samafalka in ay si deg deg ah wax uga qabtaan Gurmadka Fatahaadaha ee saameeyay dalka, gaar ahaan deegaanada Maamulka Jubbaland.

Sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Hay’adda Maareynta Musiibooyinka ee SODMA, daadadka ilaa hadda waxa ku dhintay in ka badan 90 qof iyo in ka badan 900,000 oo qof oo ku barakacay guud ahaan dalka.

“96 ka mid ah dhimashada, 28 ka mid ah waxay ku dhinteen dooni la dagtay iyagoo al-Shabaab ka cararayay,” ayuu yiri Guddoomiyaha SODMA.

Waxa uu ku baaqay in la is garabsado dadaallada lagu yareynayo fatahaadda, waxaana uu ku booriyay muwaadiniinta in ay feejignaadaan maadaama roobab kale ay weli filayaan maalmaha soo socda.

Saadaasha hadda waxay muujinaysaa in ka badan 90% suurtagalnimada El Niño iyadoo roobab caadi ah oo ka sarreeya la filayo meelo kala duwan maalmaha soo socda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker