Gudoomiye Ku Xigeenka Gobolka Badhan Oo Beeniyay inay Xidheen Maamulka Puntland
Badhasaab ku-xigeenka Somaliland u jooga Gobolka Badhan, Cabdiraxmaan Axmed Muuse (Suldaan) ayaa beeniyey Warar Toddobaadkii hore soo baxay, kuwaasi oo sheegayey in Ciidammada Puntland ee Badhan ku sugani ay xidheen.
Badhasaab ku-xigeenka oo Maanta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in Xaaladda Gobolka Badhan wanaagsan tahay isla-markaana Nidaamkii Maamulku Gobolka Badhan ee Somaliland uu si fiican u shaqaynayo.