Kongareska Mareykanka Oo Ka Hadlay Muslimiinta Shiinaha

Aqalka wakiilada ee dalka Mareykanka ayaa meel mariyay hindise sharciyeed lagaga hortagayo “jirdilka, dhibaatada iyo xabsiga ay Dowladda Shiinaha ku heyso Muslimiinta Uighur ee dalkaas”.

Hindisahan ayaa waxaa ku jira in cunaqabateyn lala bartilmaameedsado qaar kamid ah saraakiisha Dowladda Shiinaha, gaar ahaan xoghayaha xisbiga dalkaas ka arrimiya u qaabilsan gobolka Xinjiang, Chen Quanguo.

Hasayeeshee hindisahan ayaa si uu u dhaqangalo waxaa uu u baahan yahay in ay ansixiyaan aqalka sare ee senetka iyo madaxweyne Donald Trump.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Shiinaha ayaa sheegtay in arrimahan ay yihiin “kuwa khuseeya dalkeeda” oo aysan ahayn mid u taala Mareykanka.

Tallaabadan ayaa imaaneyso maalma un kadib markii madaxweyne Trump uu saxiixay hindise sharciyeed kale oo lagu taageerayo kooxaha dimuqraadiyad doonka ah ee Hongkong, taas oo ka careysiisay Dowladda Shiinaha.

Xildhibaano gaaraya 407 ayaa isku raacay ansixinta hindise sharciyeedkan, waxaana kasoo horjeestay hal xildhibaan oo keliya.

Aqalka Kongareska ayaa sheegay in ujeedada ay ka leeyihiin tallaabadan ay tahay “sidii wax looga qaban lahaa ku xadgudubka xuquuqda dadka Uighur ee gaaraya halka milyan”.

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker