Madaxweynaha JSL oo Tacsi u diray Guddoomiyaha Baanka dhexe oo Hooyadii ku geeriyootay magaalada Oodweyne

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka dawladda iyo ka shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland, ee ay ka baxday Alle ha u naxariistee Marxuumad Xaadsan Muxumed Axmed oo ku geeriyooday Shalay oo ay taariikhdu ahayd 05/02/2021 magaalo madaxda Gobolka Daad-madheedh ee Oodweyne.

Waxaanu madaxweynuhu si gaara uga tacsiyadaynayaa geeridaasi gudoomiyaha baanka dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Ibraahim Jaamac (Baqdaadi) oo marxuumadu hooyadii ahayd.

Waxaanu Madaxweynuhu marxuumadda ALLE uga baryayaa inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta iyo shacbiga Somaliland ee ay ka baxdayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker