Masuuliyiinta Xisbiga Waddani Oo La Kulmay Wefti Ka Socda Dalka Maraykanka

Gudoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa yidhi,

“Maanta waxaannu la kulannay Wefdi Maraykanka ka socda oo maalmahanba Dalka joogay, kuwaas oo ah saaxiibbada Somaliland.

Waannu soo dhaweynnay wefdiga, waannu na uga mahadnaqnay dedaalka ay ugu jiraan aqoonsiga Somalialnd. Waxa aannu kala hadalnay si guud danaha Somaliland, si gaar ah sadexda qodob ee kala ah:

1. Xaaladda siyaasadeed ee cakiran ee wakhtigan Somaliland ka taagan iyo dhibtii ku dhacday dadkii shicibka ahaa ee bannaanbaxa nabadgelyo samaynayay.
2. Aqoonsiga Somaliland, oo ah qadiyad ummadadeed, kaas oo dadka Somaliland ku midaysan yihiin, mana khusayso siyaasadda gudaha ee aannu ku qaybsannahay.
3. Mar walba Xisbiga Waddani wuxuu diyaar u yahay in khilaafka jira laga gaadho xal siyaasadeed oo wadahadal- dhexdhexaadin ku yimaadda, kaas oo Xisbigu muhiimad siinayo xal kasta oo ay hor kacayaan dadkayagu (locally made concuss)..”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker