Daawo:Gudida Garxajis oo sheegay inay Garab Taagan yihiin Kornayl Caarre + Xaaladda Somaliland oo Cakiran
Guddiga Beelihii dhawaan Shirka ku qabsaday Buurta GACAN-LIBAAX,ayaa waxay si kulal uga hadleen Hadal Maalintii shalay uu Saxaafadda siiyay taliyaha Ciidamadda Milatariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani,taas oo Taabanaysa hawl Waan-waan ah oo ay ka dhex wadeen Taliye Iyo Caarre iyo Xukuumadda….
Guddoomiyaha Guddiga,Suldaan Ahmed Cismaan Cadagude,ayaa uga digay Ciidamadda qaranka inay fuliyeen Awaamiir khaldan oo lagu beegsanayo cid gaar ah..
Jiif Caaqil Cabdirisaaq Askar,ayaa sheegay in aanay Xukuumaddu daacad ka ahayn in lasoo af-jaro arrinta Taliye Caarre…
Waxa iyugana halkaasi ka hadlay Sallaadiin iyo wax-garad kale oo ka tirsan Guddiga




