Sweden: Nin Cunsuri Ah Oo Kasoo jeeda Dalka Denmark Oo damcay inuu Gubo kitaabka quraanka ah

Sweden(OWN)- Baabuur badan oo Boolisku leeyahay oo la gubay & askar la dhaawacay kadib markii nin u dhashey dalka Denmark oo lagu magacaabo Rasmus uu damcay inuu ku gubo kitaabka quraanka ah magaalada Örebro ee dalka Sweden, Ninkan waxaa ilaalinayey boolis aad u badan oo wata baabuurta Booliska & Ey laakiin dadka muslimiinta ah ayaa weerar ku qaaday oo gubay baabuurtii Booliska afar kamida iyagoo ninkaana ka hor istaagay inuu kitaabka quraanka uu gubo,
Ninkan ayaa saaka kusoo gubay kitaabka qaranka magaalada caasimada Stockholm laakiin reer Örebro ayaa arintaa gaashaanka u daruuray, Booliska markii ay muslimiintu arintan uga dacwoodeen waxay ku doodayaan iney tahay Dimoqraadiyad oo aan loo diidi karin. Laakiin waxaa ka dhashey khasaare weyn. Shaleyna sidan oo kale ayaa loogu burburiyey baabuur badan oo Boolisku leeyahay magaalada Linköping ee dalkan Sweden oo Ninkan joogey,
Waxaa lala yaaban yahay oo xitaa ay is weydiinayaan dadka u dhashey dalkan Sweden sida ay xukuumada Sweden ugu ogolaatay Ninkan oo u dhashey dalka Denmark inuu kitaabka quraanka ku gubo dalkooda oo waxaas oo khasaare ah uu kasoo gaadho. Waxa uu la doonanayaa oo uu la tagayaa gubida kitaabka quraanka xaafadaha ay degen yihiin dadka muslimiinta ah. Saaka markii uu kitaabka ku gubayey magaalada caasimada Stockholm waxaa ilaalinayey ilaa boqol askari oo Boolis ah & ilaa sodon gaadhi. Waxaa hawada sare taagneyd oo aan xitaa ka dhaqaaqin diyaarad helikopter ah,
Barkhad Cabdillahi
Sweden

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker