Goorfeynta Buugga “Quruxda Ardeyga”

Buuggan la yidhaa “حلية طالب العلم~ Quruxda Ardeyga” Waxa qoray Sh. Bakar Binu Cabdillaahi Abuu Sayd. Af Carabi ayuu sheekhu ku qoray. Sannadkii 1365kii Hijrada ayuu Magaalada Dawaadami ku dhashay. Dugsigii hoose/ dhexe iyo guud ahaan waxbarashada Dugsiga ee nidaamiga ah waxa uu ku qaatay magaalada Riyaad. Ugu danbayn waxa uu ka baxay jaamacadda Madiina, gaar ahaan Kulliyadda Shareecada. Sidoo kale, Shahaadooyin Master iyo Ph.D wuu qaatay. Sh. Bakar, waa aqoonyahan ku xeeldheer Diinta Islaamka. Culimada uu wax ka bartay waxa ka mid ahaa Sheekhii waynaa ee Cabdicasiis Ibnu Baas. Muddo badan ayuu maxkamadda weyn ee Madiina Garyaqaan ka ahaa. Masjidka Shariifka ah ee Nebiga ee Madiina ayuu isna waqti dheer macallin wax ka dhiga ahaa. Wasaaradda caddaaladdana wuu la soo shaqeeyay. Lajnada Culimada Sucuudiga, iyo Hay’adda Fatwada u qaabbilsan labadaba wuu ka soo mid noqday. Daaci, Khadiib, iyo Garyaqaan ayuu ahaa. Meelo badan oo kalana wuu ka soo sahqeeyay.
Sidoo kale, qoraa wayn oo buugaag badan iyo Kutub Shareeco ah qoray ayuu ahaa. Fanniyo badan ayu wax ka qoray. Fanniyada uu wax ka qoray waxa ka mid ah Fiqiga, oo waxa uu ka qoray Kutubta ay ka midka yihiin “المواضعة في الاصطلاح .” “داب طالب الحديث من الجامع للخطيب.” Sidoo kale, waxa uu wax ka qoray Xadiiska, waxaanna ka mid ah kutubtaa “تقريب آداب البحث والمناظرة.”Iyo “مدينة النبي صلى الله عليه وسلم رأي العين.” Buugaag guudna wuu qoray.
Buuggu waxa uu ka kooban 95 bog. Illaa 7 qaybood ayuu qaybiyay. Si guud waxa ay soo hoosgalayaan, waxa ardeyga marka uu waxbaranayo qurxiyo ee looga baahanyahay inuu sameeyo.
Buugga toddobada qeybood ee qoraagu u qoondeeyay ee uu u qaybiyay ayaynu xabbad xabbad u qali, oo u soo qaadan. Aadaabta ardeyga dhinaca naftiisa laga rabo ayaynnu tixi doonnaa.Waxaynnu ku xigsiini qaabka uu qofku wax u baranayo, iyo waxa laga rabo. Haddana ‘ Aadaabta uu ardeygu kula dhaqmayo macallinkiisa ayaynnu sheegi doonnaa. Waxaynnu ku sii xigsiini“ Ardeygu cidda uu la saaxiibayo. Waxaynu ku sii dari doonnaa “ Aadaabta laga rabo aqoonta.” In “ Ardeygu aqoonta ku dhaqmo” ayaynnu sii raacini. Qeybta ugu danbaysa waxaynu sheegi “ Digniinno” uu qoraagu ardeyga siinayo.
Ugu danbayn waynnu soo xidhi sookoobidda buugga, oo waxaynnu ku soo xidhi “ Maxaa quruxda aqoonta ardeyga ka qaaday?” Intaas ayaynnu faahfaahin. Ugu danbayna gunta iyo gunaanadka ayaynnu isla gaadhi.
Nuxurka buugga
Qeybta 1aad, waxa uu ku bilaabayaa qoraagu aadaabta ardeyga naf ahaan looga baahanyahay. Aadaabtaa waxa ka mid ah:
1- Inuu ogaado ‘ in aqoontu Cibaado tahay.’ Markaa waxaa inuu niyada wanaajiyaa oo ikhlaas ka dhigaa. Nebiga ku dayo, oo jidkiisii raac.
2- Allekacabsiga ilaali. Alle ka cabso markasta, marka aad ardey tahayna wayba ka sii xagjirtaa. Kor iyo hoos Alle uga cabso.
3- Isdhuldhig noqo.
4- Iska ilaali kibirka iyo faanka.
5- Ku sifoow dhawrsoonaan, dulqaad, samir IWM.
6- Qanaaco yeelo, saahidna noqo.
7- Sharaf ku sifow.
8- Meelaha maalaayacniga lagu hayo ka dheeroow.
9- Feker, oo wax fiirfiiri.
10- Waxa aad dhiganayso sug, oo joogtee.
Qeybta 2aad, waxa uu qoragu kaga warramayaa “ Sida uu ardeygu aqoonta u raadsanayo iyo qaabka uu ku dhiganayo.” Ardeyga waxaa u quruxbadan inuu sameeyo arrimo dhawr ah ayuu sheekhu leeyahay. Marka uu maaddo baranayo waxa muhiim ah inuu qaababkan yeelo:
1- Inuu ka qaato qof aqoon u leh, oo sugay.
2- Waxa uu baranayo waa inuu wax ka xifdiyaa.
3- Waxan uu dhiganayo inuuna ka mashquulin.
4- Adiga oo aan mid xifdiyin midkale ha u guurin oo ha bilaabin.
Qeybta 3aad, qoraagu waxa uu kaga warramayaa ‘ Aadaabta uu ardeygu qofka waxbaraya ama macallinkiisa kula dhaqmayo.” Ardeyga aadaab gaar ah ayaa looga baahanyahay, halka macallinkana waajibaad laga rabo. Ardeyga marka aqoonta uu dhiganayo laga yimaaddo dhinaca macallinka waxbaraya waxa looga baahanyahay:
1- Inuu Macallinka xurmeeyo: Inuu macallinka aad u ixtiraamo. Sida inuuna magaciisa oo qallalan ugu yeedhi ‘ Hebeloo.’ Se waa inuu wax raaciyo sida ‘ Macallin Hebeloow, ama ku soo koobto Macallin.’ Sidoo kale, marka aad agtiisa joogtid hadalka ha badin, hana hadlin idinla’aan, waayo ixtiraamyaraan ayay sheegaysaa.
2- Inuu Macallinka waxa uu sheegayo uu wax ka qorto: Sheekhu, waxa uu leeyahay halkan waa inaad macallinku waxa uu sheegayo, ama akhriyayo qorataa oo afkiisa waxa uu ka sheegayo hoosta ka xarriiqdaaa. Sidoo kale, inaad fahantid, oo waxaad fahanto qorato.
Qeybta 4aad ee buugga waxa uu qoraagu kaga warramayaa “ Aadaabta Saaxiibtinnimada iyo cidda fiican inuu ardeygu la saaxiibo.” Iska ilaali oo hala saaxiibin saaxiibka xun, ayuu sheekhu leeyahay. Se la saaxiib saaxiibka wanaagsan, ee ku anfacaya. Sidoo kale, kala ogsoonoow saaxiibtinnimadu waxa ay tahay.
Qeybta 5aad qoraagu waxa uu kaga warramayaa ‘ Aadaabta Ardeyga ka saaran Nolosha aqoonta.” Dhawr qodob ayuu taxayaa qoraagu, oo laga rabo ardeyga marka uu waxbaranayo. Waxa ka mid ah:
1- Inuu dooniddiisa dhinaca aqoontu waynaato.
2- Inuu aqoonta u safro: Qofku waa inuu aqoonta kolba halka ay taallo ee ehelkeegu joogo ugu tago, oo raadsado: Ardeyga wanaagsan waxa lagu gartaa inuu aqoonta raadsado.Qofku meesha uu joogo haddii uu doono inay waxkastaa ugu yimaaddaan suurtagel maaha. Inuu waxba baran waayo ayay u badantahay.
3- Aqoonta wixii xifti kaaga baahan xifti.
4- Inuu ardeygu fahmo asalka ama bayska aqoontu laamaha ama faracyada uu usii kala baxo, oo uu fahmo: Marka uu ogaado in aqoontani lame hoose leedahay waa inuu sii dhexgalaa, oo sii dhexjibaaxaa.
5- Ammaano aqooneed inuu ardeygu yeedho: Ammaanada aqoonta waxaa ka mid ah barashada, ku camalfalidda, dadka kale in la sii gaadhsiiyo, iyo in si wanaagsan loo guto barashadeeda. Sidoo kale, iyadna waxaa muhiim ah inuu qofku ilaaliyo xuquuqda buugaagta, iyo qoraayada, oo waa inuuna ku xadgudbin midna.
6- Runta: Ardeygu waa inuu runta ku dadaallaa, oo marka uu waxbaranayo runta ka sheegaa.
7- Inuu buugaagta maskaxdiisa korinaysa ee sida “ Aqoonta Guud” uu akhriyo: Waayo buugaagtan aqoonta guud ama Saqaafadu qofka naftiisa raaxo ayay gelisaa, oo maskaxda ayay furfurtaa.
8- Qoraalka waa inuu saxdo, oo macallinku tuso: Waayo, mararka qaar waxaa dhici karta inuu qaab qaldan u qoro wax uu macallinku u yeedhiyay, oo uu isagu si kale u fahmo. Dabadeedna, waxaa dhacaysa inuu si klae u qqaato oo qalad ama xarafbaddel, ku dhaco.
9- Su’aalaha wanaagsan: Ardeygu waa inuu joogteeyo wayddiinta wanaagsan isaga oo aadaabteeda raacaya. Marka uu wax wayddiiyo macallinka waa inuu si wanaagsan u dhagaystaa.
10- Anuu akhriyo waxa loo soo dhigo, oo uu muraajaceeyo.
Qeybta 6aad qoraagu waxa uu kaga warramayaa “ In uu ardeygu waxa uu bartay ku dhaqmo.” Sheekhu, waxa uu halkan kaga warramayaa aoqonta wanaagsan calaamadaheega inay ka midtahay ku dhaqanku. Aqoonta qofka inay waxn tartay oo uu wax ka korodhsaday waxa lagu yaqaan:
1- Wuu ku dhaqmaa.
2- Wuxuu diidaa in lagu ammaano.
3- Markasta oo ay aqoontiisu badato isdhuldhiggiisa ayaa bata.
Qeybta 7aad, waxa uu qoraagu ku soo gudbinayaa “ Digniino” uu ardeyga aqoonta doonaya siinayo. Talooyin ayuu bixinayaa. Waxa ka mid ah:
1- Iska ilaali oo aqoonta hal taako hala gelin: Aqoonta inyar haka baran, macne ahaan taako ( oo ah masaafada u dhexaysa suul iyo Murdisada). Waxa hore loo yidhi: “ Aqoontu waa saddex taako. Taakada 1aad qofka galaa wuu iskibriyaa. Taakada 2aad, qofka galaanna wuu is hoosdhigaa (Tawaaduc). Taakada 3aad, qofka galaanna wuxuu ogaadaa inuuna aqoon baran.” Markaa taakada 1aad ha geline sii dhexqaad.
2- Shubhada badan qalbigaaga ka ilaali.
3- Laxniga ka digtoonoow.
4- Adiga oo aan aqoonta si wanaagsan u baran ha odhan “ Si wanaagsan ayaan sheygaa u aqaan.” Naftaada ha hafrin, oo waxaanad garanayn ha isku cumaamadin.
Arrimahaa dhammaan aynnu ka soo warranay ee toddobada qaybood ahaa qoraagu waxa uu qabaa in ay yihiin “ Quruxda Ardeyga Aqoonta Doonaya.” Haddii uu ka tagana quruxdii aqoonta ma yeelanayo. Sida dharka, iyo waxyaabaha la xidhaa qofka bilic ugu yeelaan ayay qodobbadaasina AQOONTA iyo qofka BARANAYA u qurxiyaan.
Wuxuu qoraagu buugga ku soo xidhayaa “ Quruxdaa Ardeyga Maxaa ka qaadi kara?” Dhawr qodob ayaa ka mid ah:
1- Xaasidnimada.
2- Caloolxumada.
3- Labadii qof ee wada hadlaya inuu iska dhexgalo/ waxay wateen labadaa qofki ka dhexgalo.
4- Dooddaa aan midhadhalka ahayn oo uu badiyo.
5- Iyo Kuwa kaloo badan.
Gebagebo
Buugga toddobada qeybood ee qoraagu u qoondeeyay ee u qaybiyay ayaynu xabbad xabbad u soo qalnay, oo u soo qaadannay. Aadaabta ardeyga dhinaca naftiisa laga rabo ayaynnu soo sheegnay. Waxaynnu ku xigsiinnay qaabka uu qofku wax u baranayo, iyo waxa laga rabo. Haddana ‘ Aadaabta uu ardeygu kula dhaqmayo macallinkiisa ayaynnu sheegnay. Waxaynnu ku sii xigsiinnay “ Ardeygu cidda uu la saaxiibayo. Waxaynu ku sii darnay “ Aadaabta laga rabo aqoonta.” In “ Ardeygu aqoonta ku dhaqmo” ayaynnu sii raacinnay. Qeybta ugu danbaysa waxaynnu sheegnay “ Digniinno” uu qoraagu ardeyga siinayo.
Ugu danbayn waynnu soo xidhnay waxaynnu ku soo xidhnay “ Maxaa quruxda aqoont ardeyga ka qaaday?” Dhammaan xagga hore ayaynu ku soo faahfaahinnay.
Buuggu waa buugaagtan dhifka ah ee latalinta ardeyga xooggasaarta. Qofkii xogtaa ka badan jecel, ee waqti u helaa inuu akhristaan kula talinayaa.
W/Q: Cabdirasaaq Sandheere

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker