Ra’iisul Wasaaraha UK Oo Cagta Yara Saaray Miiska Markii Uu La Kulmay Madaxweynaha Faransiiska
Waxaa baraha bulshada qabsaday oo aad loo falanqeeyay sawir muujinaya Ra’iisul wasaaraha Britain Boris Johnson oo cagta saaraya miis intii uu la kulmayay madaxweynaha Faransiiska oo ay Paris wadahadal ku yeesheen.
Balse dadka tilmaamay in ficilka Ra’iisulwasaaraha Britain uu ahaa mid aflagaado ah ayaa laga yaaba in ay degdegeen.
Muuqaalkan ayaa u muuqda Johnson oo ka jawaabaya kaftan uu ku yidhi masuulkii uu martida u ahaa.
Emmanuel Macron ayaa u muuqda in uu tilmaamay in miiska u yaalla cagtana la saari karo, ka dibna Johnson ayaa cagtiisa midig kor u qaaday.




