Human Rights Watch oo Warbixin ka soosaartay Tacadiyada ka jira Mid ka mid ah Xabsiyada DDSI

Hey’adda u dooda Xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay ka soo saartay xaalada xabsiyada dalka Ethiopia oo jidhdil  loogu geysto maxaabiista.

Warbixintan oo aheyd mid aad u dheer kana koobneyd 88 bog ayaa lagu eedeeyay ciidamada Liyuu Boolis loo yaqaano ee ilaaliya Xabsiga Jeel Ogaadeeniya ay tacadiyo u geystaan maxaabiista.

Hay’adda ayaa sheegtay in maxaabiista xabsiyada lagu guro iyagoo aan wax maxkamada ah la soo taagin, sidoo kale inta badan maxaabiista ayaa ah kuwo lala xidhiidhiyo Jabhadda ONLF.

Human Rights Watch ayaa sheegtay in wareysiyo laga qaaday in ka badan 100 qof oo ka mid ahaa maxaabiistii soo maray jeel Ogaadeeniya ay ka sheekeeyeen dhibaatooyinkii loogu geystay xabsiga, sida jidhdil iyo waxyaabo ka baxsan anshaxa.

Mid ka mid ah maxaabiistii ku xidhneyd xabsigaas ayaa sheegay in saddex sano uu ku xirnaa kaligiis qol mugdi ah, isla markaana laga soo saari jiray xilliyada habeenkii, si loo jirdilo.

Warbixinta hay’adda Human Rights Watch ayaa sheegaysa in caruur badan ay ku dhasheen xabsiga Jeel ogaadeeniya, islamarkana caruurtaasi sida la sheegay qaarkood ay ahaayeen kuwa ka dhashay kufsi ay gaysteen ilaalada xabsiga.

Qaar ka mid ah maxaabiista haweenka ah ayaa sheegay in ay xabsiga ku dhex umuleen iyaga oo aan helin adeeg caafimaad.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa dhowaan mar uu la hadlayay baarlamaanka Itoobiya sheegay in ciidamada ammaanka ay jirdil u geysteen maxaabiista.

Itoobiya ayaa bilihii u dambeeyay waxaa ka dhacayay isbedelo kala duwan, iyadoo xabsiga laga sii daayay boqolaal maxaabiis u xidhnaa siyaasadda.

Mid ka mid ah Sawirada Jeel Ogaadeen oo Satellite-ka

Satellite image of Jail Ogaden, Jijiga, Ethiopia, recorded on May 27, 2016.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker