Daawo:-Madaxweynihii Hore Ee Puntland Senator C/raxmaan Faroole Oo Eedeyn Kulul U Jeediyay C/weli Gaas.

Garoowe-(OWN)-Senator C/raxmaan Faroole oo ka tirsan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ayaa eedeyn kulul u jeediyay C/weli Maxamed Cali Gaas oo mar kale u taagan xilka Madaxweynaha Puntland.

C/raxmaan Faroole ayaa sheegay in C/weli Gaas uu heerkii ugu xumaa gaarsiiyay Puntland, shantii shano ee uu hoggaaminayay.

Waxaa uu sheegay in C/weli Gaas iyo Guddoomiye kuxigeenka Baarlamaanka Puntland ay keeneen Garowe makiinado lacagaha daabaca, taasoo dhibaato fara badan u keentay bulshada, sida sicir barar.

Sidoo kale waxaa uu sheegay intii uu xilka hayay aysan wax mushaar ah qaadan shaqaalaha iyo Ciidamada Puntland, kuna fashilmay hoggaaminta Puntland.

C/weli Gaas ayaa wajahaya loolan uu la kulmay musharaxiin dhowr ah oo miisaan ku leh Puntland, kuwaasoo kula tartamaya doorashada Madaxweynaha Puntland oo dhici doonta 8-da bisha January.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker