UK Oo Weli filaysa In Dabayaaqada Todobaadka Ay Heshiis La Gaari Doonto Midowga Yurub.

UK-(OWN)-Ra’iisul Wasaaraha Britain Theresa May ayaa dabayaaqada todobaadka waxa ay dib ugu laabanaysaa magaalada Brussels si ay uga qeybqaadato wadahadallada Britain ay uga baxayso Midowga Yurub.

Arrintan ayaa imanaysa xilli UK iyo Midowga Yurub lagu wado inay heshiis ku gaadhaan shirka Axadda ay isugu imanayaan madaxda Yurub.

Kaddib laba saacadood oo ay shir la laheyd saraakiil ka socotay Midowga Yurub, ra’iisul wasaaraha Britain ayaa waxa ay sheegtay in horumar laga sameeyay qaabka uu mustaqbalka noqon doono xiriirka ka dhaxeyn doono Midowga Yurub iyo Spain.

Dowladda Spain ayaa waxa ay sheegtay inaysan ogolaan doonin heshiiska Britain ay uga baxayso Midowga Yurub ilaa isbadel loogaga sameeyo sida loo dhigayo arrinta deegaanka Gibraltar ee ay Britain maamusho ee ku yaal xeebta koonfureed ee dalkaasi.

Maalmo uun kahor shirka ugu dambeeya ee looga arrinsan doono ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub, ayaa tani waxaa loo arkaa inay tahay caqabad weyn.

Raysal wasaaraha dalka Spain, Pedro Sanchez ayaa sheegay in axdiga ka bixitaanka iyo qorhshaha wehliya ee xiriirka mustaqbalka ee Midowga Yurub iyo UK, aysan ahayn kuwo ay Spain aqbali karto.

Sanchez ayaa sheegay in ilaa isbedello la sameeyo kahor Axadda, ay Spain shirka u adeegsan doonto waxa uu ugu yeeray awooddeeda codka qayaxan.

Wuxuu doonayaa in la kala caddeeyo haddii xiriirka ganacsi ee mustaqbalka dhex mari doona Midowga Yurub iyo UK ay tahay in lagu dabaqo Gibraltar, sidoo kalena UK ay waajib ku tahay inay Spain la yeelato xiriir kale oo gaar ah.

Wuxuu sheegay inay muhiim u tahay Spain inay si toos ah UK ugala xaajooto arrimaha la xiriira Gibraltar.

Iyadoo ka jawaabeysay su`aalo ay weydiinayeen baarlamaanka, ayay raysal wasaaraha Britain Theresa May waxay ku adkeystay in UK aysan wada xaajoodka ka saari doonaan Gibraltar.

Shirka lagu wado inuu qabsoomo Axadda, hoggaamiyeyaasha Midowga Yurub lagama filayo inay cod caadi ah u qaadaan ansixinta axdiga ka bixitaanka, balse waxay taas beddelkeed doonayaan inay heshiis ka gaaraan.

Tan waxay micnaheedu tahay in Spain aysan si toos ah u adeegsan doonin codka qayaxan.

Si kastaba, waxay siyaasad ahaan noqon doontaa mid dhib ku ah Midowga Yurub inay ka gudubto cabashooyinka ay Spain la timaaddo shirka.

Theresa May iyo Jean-Claude Juncker

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker