Gabadh Soomaali Ah Oo Dhaawac Lagu Gaadhsiiyey dalka Koonfur Afrika

Sida ay ku waramayaan warra aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan in maanta gabadh  Soomaali ah lagu weeraray xaafad lagu magacaabo Stand oo ku taalla magaalada Capetown ee dalka Koonfur Afrika.

Gabadhan Soomaalida ah oo magaceeda lagu soo koobay Sahra Cabdullaahi ayaa waxa uu dhaawac ka soo gaadhay weerar ay ku soo qaadeen koox burcad koonfurt Afrikaan ahaa, xilli ay dhex socotay xaafadaasi.

 

Dhaawaca ka soo gaadhay ayaa waxaa loo dhigay Isbitaalka guud ee xaafadda Stand , si loogu dabiibo, iyadoona ay goobta iskaga baxsadeen kooxdii falkaasi gaysatay.

 

Dhinaca kale ganacsato Soomaali ah oo ku nool dalkaasi ayaa waxa ay sheegeen , in 24 saacadood  gudahooda siyaabo kala duwan dhac loogu gaystay ganacsigooda.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker