Qarax is-miidaamin ah oo maanta ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Xarunta Somalia

Muqdisho (OWN) – War hadda nasoo gaadhaya Magaalada Muqdisho  ayaa sheegaya in qarax is-miidaamin ahaa uu ka dhacay degmada Xamar Jajabab ee magaalada Muqdisho, gaar ahaan meel u dhow dekedda Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa ka dhacay makhaayad halkaas ku taalla, oo lagu magacaabo Luul Yemeni kana mid ah maqaayadaha ugu caansan ee laga cunteeyo, wuxuuna ahaa qarax weyn oo laga maqlay qeybo ka mid ah magaalada.

 

Warar hordhac ah oo ay heshay  Shabakada Caalamiga ah ee Oodwaynemedia ayaa sheegaya in qaraxa uu fuliyey qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa, kaasi oo isku qarxiyay dad maqaayadda ka qadeynayay. Xilliga qaraxa uu dhacayey ayaa la sheegay inay maqaayadda ay aad u buuxday.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in khasaare kala duwan oo nafeed uu ka dhacay maqaayadda, waxaana dhimasho iyo dhaawac, inkastoo aan weli la heyn tiro rasmi ah.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker