Taliyaha Ciidamada AMISOM oo Xiisada Doorasada U Tegay Magaalada Kismaayo.
Waxaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ee maamulka Jubbaland gaadhay Taliyaha Guud ee Ciidamada AMISOM Gen. Ticabu Yilma iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminay.
Taliyaha iyo wafdiga la socda ayaa lagu soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Kismaayo , waxaana markii dambe loo galbiyay qasriga uu magaalada Kismaayo ka dagan yahay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.
Wararka ay Heshay Warbaahinta Oodwaynemedia ayaa sheegaya in Madaxtooyada Jubbaland uu ka socdo kulan u dhaxeeya Madaxweynaha Jubbaland iyo taliyaha ciidamada AMISOM, waxaa sidoo kale Madaxtooyada jooga wafdi ka socda Midowga Afrika.
Taliyaha ciidamada AMISOM iyo wafdiga kale ee jooga Kismaayo ayaa Madaxweynaha Jubbaland kala hadlaya doorashada la filayo in Kismaayo ka dhacdo iyo sidii doorashadaasi u noqon laheyd mid hufan.
Taliyaha AMISOM ee maanta gaadhay Kismaayo ayaa kasoo jeeda Itoobiya, waxaana horey usoo baxayay warar sheegaya in Itoobiya ay dooneyso in ay cadaadis saarto Axmed Madoobe oo Kismaayo ku qabanaya doorasho isagu maamulayo si mar kale Loo doorto.
By Suxufi Sinyoore




