Xildhibaannada Laga Mamnuucay Fadhiga Golaha Shacabka Oo Shir jaraa’id Ku Qabtay Muqdisho
Shir jaraa”id ay maanta magaalada Muqdisho ku qabteen Xildhibaanadii laga joojiyay ka qeybgalka kulanka golaha shacabka ee barlamaanka soomaaliya ayaa sharci darro ku tilmaamay go’aanka uu soo saray guddoomiye Maxamed Mursal Shiikh Cabdiraxmaan.
Xidlhibaannada oo tiro ahaan dhan 15 mudane ayaa shir jaraa’id oo ay ku qabtay hotel Jazeera, waxay guddoomiyaha barlamaanka ku eedeeyeen inuu daba ka riixayo inuu barlamaanku galo fowdo iyo khalalaase ay madaxtooyada dabada ka riixayso.
Sidoo kale, xildhibaanadda ayaa sheegay in ciidamada NISA ee barlamaanka la geeyay ay dil ugu habjabeen xildhibaanada kasoo horjeestay waxay ugu yeereen muddo kordhin sharci darro ah.
Dhinaca kale, xildhibaanadu waxay si cad u sheegeen in ay berrito tegi doonaan xarunta barlamaanka islamarkaana aysan u joojin doonin go’aanka looga mamnuucay fadhiyada soo soccda.




