Dalka Kuuriyada Waqooyi Oo Saharaxay Gantaal ay Tijaabiyeen

Dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa waxay sheegtay in gantalladii ay tijaabisay Shalay digniin dhab loogu dirayay waxa ay ku tilmaameen “qabqablayaasha dagaal ee Kuuriyada Koonfureed”

Gantaallada waxay ku tijaabisay badda Japan gaar ahaan deegaan dhaca koonfurta baddaas, Hoggaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un ayaa sheegay in dalkiisa lagu khasbay inuu sameysto hub xooggan si uu uga hortaggo halista amniga.

Kim Jong-un ayaa sheegay in tijabaada ay aheyd mid lagu soo bandhigayay hub casri ah.

Hadalka Kim Jong Un ayaa imaanaya xilli Kuuriyada Waqooyi ay horey u dhaleeceesay dhoolastuska militari ee bishii lasoo dhaafay ay si wadajir ah gobolka uga sameeyeen Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker