Dhakhtarka wayn iyo Badbaado la’aan

Sida aan hore idinku sheegay waxaad iga sugayseen warbixin ku saabsan dhakhtarka wayn ee Hargeysa runtii dhakhtarka ugu wayn soomaaliland waa dhakhtarka Wayn ee Hargeysa waanna halka la is idhaahdo Alle ka sakaw badbaado naf iyo nolol ayaa taalla runtii maqaalkaygan waan ka saarray wixii dhaliil ah ee ka jiray maadaama oo ay ramadaan soo gallayso.
Dhakhtarka wayn ee magaalada Hargeysa waa dhakhtarka ugu balaadhan uguna shaqaalaha badan soomaaliland marka aad xagga kale eegtid waa dhakhtarka ugu dhaqaalaha badan xagga waxsoosaarka oo waxa uu leeyahay qaybo kala duwan oo ay lacago ka soo gallaan sida Shaybaadhka, sawiradda kala duwan iyo miisaaniyadda dawladda oo aad u balaadhan iyo kab kala duwan oo ay ka hellaan hay’adaha kala duwan ee la shaqeeya kuwaas oo ka caawiya Qalabaynta iyo dhismayaasha kala duwan, halka qaarkoodna ay tababaro kala duwan oo heer caalami ah ay siiyaan shaqaalaha kala duwan ee ka hawl-gala.
Shaqaalaha ka shaqeeya dhakhtarka wayn qaar badan way ku dulman yihiin oo waxay qaataan Guno halka qaar kalena ay ka hellaan lacago badan oo iskugu jira gunno, mushahar iyo tababaro dhinac ka raran.
Dhakhtarka wayn waxa la dhigay Hooyaday oo gaadhi jiidhay bishii hore waxaanan ku sugnaa mudo dhan   todobaad oo aan ka quud daraynayay inay daweeyaan oo Ay ka badbaadiyaan Alle ka sakaw dhaawac ka soo gaadhay shil gaadhi nasiib xumo se xal ummay noqon marka laga reebbo qoraalka Alle oo ay ku ladnaatay.
Intii aan dhakhtarka ku jiray waxaan la kulmay oo aan arkay xaalado caafimaad oo dhimasho iyo dhaawacba leh kuwasoo la soo dhigayay dadyaw kala duwan oo cidkasta leh  halkaas oo dadka la kèennayo qaarkood u dhimanayeen Gurmad xumo iyo caawin la’aan xagga dhakhtaradda iyo  qalabka Qolka Emergenciga yaalla oo ah sariir kaliya taas oo qofka bukaanka ah loo dhiibayo waraaq uu dawooyinkii lagu mudayay ama la siinnayo si  uu u soo iibsado dawooyin  haddii uu haysto iyo haddii aannu haysanba.
Intii aan joogay dhakhtarka waxaan ku arkayay is dhexyaaca shaqaalaha kala duwan ee ka hawlgala dhakhtarka halkaas oo saacadba aad arkaysid dhakhtar cusub , kalkaaliso cusub oo dawooyin cusub kuu qoraya,  ka ka dambeeyaanna waa la mid un.
Waxyaalaha ugu daran ee aan ku arkay waxa ka mida in bukaan xaaladiisu xun tahay ama miirkiisu aannu joogin la odhanayo waxba ma qabtid ee ka bax meesha markii aan baadhay arinkaasinna wuxuu noqday innay jecelyihiin bukaan cusub oo sariirta u seexda si ay uga hellaan dhaqaale iyo lacagaha sariirta lagu jiifsado.
Dhakhtarka wayn oo ah meel indho u ah inta bugta oo ay ka rajeeyaan caafimaad iyo daaawayn kala duwan haddana lagama helo sida la wada ogsoon yahay.
Nadaafadda cisbitaalka ayaa aad u hooseysa sidii aad Tv,yada ka daawanayseen oo aan anna soo xaqiijiyay taas oo nadaafadda cisbitaalku lahayn meel kaliya oo uu ku soo ururo qashinku se meelkasta oo cisbitaalka ah la dhigo qashinka ka dibna uu roobku ku da’o taas waxa u dheer dugsiga oo ka buuxa qolalka bukaanka oo isaguna xaalad caafimaad darro uu sababo sidoo kale dhibaatooyinka aan la dareemin waxa ka mida kulaylka oo qofka bukaanka ah xaaladiisa caafimaad bedesha cisbitaalkuna ma laha marawaxado ku filan halka qolal qaar ay ahayd innay A,C lagu rakibo taas oo aannay xataa marawaxado ku filani oolin halkaas oo dhammaan bukaanka lagu babiyo kartoon, halka inta awoodaanna ay marawaxado soo iibsadaan.
Xaqiiqda taalla cisbitaalka hadday dhib tahay iyo hadday dheef tahay maaha mid aynu ku soo koobi karno qoraal se waa mid u baahan inaad ila soo aragtaan oo soo xaqiijisaan.   Dhakhtarka wayn waxa jooga xooggaa  dhakhaatiir ah oo aad u wanaagsan se ka niyad jabsan maamulka meesha haysta oo aannay ku qabin wax dhiirrigalin ah.  Haddaba haddii aan is idhaa wax sheeggaa sii wad kama geyoon karo se waxaan maqaalkan ku soo koobbayaa tallooyinkan:-
 dhakhtarku wuxuu u baahan yahay
 1. Maamulka qaarkood oo laga beddelo
2. Qolalka bukaanka oo u baahan marawaxado ku filan iyo A,C yo ama qaboojiyayaal
3. Qolka  Gargaarka degdega ah oo isna la dhigo dawooyinka joogtadda ah ee uu bukaanku u baahan yahay tusaale ahaan xannuun biiye iyo faleebooyin, balastar I.w.m.
4. In goobta gargaarka degdega ah lagu kordhiyo goobo kale oo shilalka gaadiidka u khaasa.
5.  In shaqaalaha la mideeyo oo dhakhtarkastaaba gacanta ku hayo bukaan gaara maxaa yeellay hal bukaan ayay u imanayaan maalinkasta dhakhtaro kala duwan oo aan xal u hayn halka ay ahayd in hal dhakhtar xaaladeeda si joogtaa ula socdo ilaa intay ka baxayso.
 6. In kormeer la sammeeyo iyo goob caan ah oo cabashada loola tago.
 7. In shaqaalaha cabashadooda la xaliyo.
  8. In nadaafadda qayb gaara laga dhigo maamul gaara iyo xafiis gaara maalinkasta la kormeero loonna sammeeyo gawaadhida xashiishka ee dhexjoogta cisbitaalka.
9.  In Bukaanta ilaa intuu caafimaad dareemayo aan lagu odhan bax ilaa uu iskii u baxo oo uu caafimaad dareemo.
10. In la qalabeeyo waliba qalabka mashiinka Kalyaha sifeeya oo casri ah.
11. In la isku soo dhaweeyo qaybta sawirka iyo emergenciga amaoo sammeeyo gaadhi qaada dadka sawirka u baahan ee èe qaybta gargaarka yaalla oo inta badan ay qaadaan dadka bukaanka haya ee qoyska ah oo aan xataa laga caawin qaabka loo qaado bukaanka qof xero soo galay unbaad noqon.
11. In bilaash laga dhigo. !.
Facebook:  Rakad Mxd Sultan

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker