Laba diyaaradood oo maalin gudaheed ku burburay deegaan ka tirsan Waqooyi Bari Kenya

Waxaa magaalada Wajeer ee gobolka Waqooyi Bari Kenya shalay ku burburay laba diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca.

Labadaas diyaaradood ayaa mid waxay gargaar u siday shacabka ku nool degmada Buna ee Waqooyiga magaalada Wajeer, kuwaas oo ay saameeyeen roobab xooggan oo halkaas ka da’ay.

Diyaaradda gargaarka siday nooca Mi17 oo ay leeyihiin milatariga dalka ayaa dhacday daqiiqado yar ka dib markii ay hawada gashay. Dhaawac ayaa soo gaaray dadkii saarnaa diyaaradda waxaana loola cararay isbitaalka.

Diyaaradda labaad ayaa waxay ku burburtay garoonka diyaaradaha Wajeer xili ay ku sii jeedday deegaanka Arbajahan si ay u soo daad gureyso arday ku xayirnaa halkaas oo uu roob ka da’ay.

Saddex qof ayuu dhaawac ka soo gaaray shilkaas.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker