Dawladda Somaliland oo ka biyo diiday dhul balaadhsiga uu wado Maamulka Puntland

 

Hargeysa (OWN) โ€•ย Saraakiil ka tirsan Ciidammada Somaliland oo maanta Warbaahinta kula hadlay magaalada Laascaanood ayaa ka digay Cawaaqib-xumo ka dhalan karta talaabo ay qaaday Puntland.

 

Maamulka Puntland ayaa Kantaroolka laga galo magaalada Garoowe u soo wareejiyay xuduudka gobolka Sool, midaasi oo si weyn uga cadheysiisay Ciidamada Millateriga Somaliland.

 

 

Saraakiisha ayaa talaabadan Puntland ay kantaroolka ku soo wareejisay ku sheegay mid Puntland ay ku dooneyso dhul aanay laheyn, iyagoona xusay inay Somaliland marnaba ka yeeleyn in deegaanada Bixin ay Puntland ka bilowdo dhul-boob.

 

 

Saraakiishan ayaa sidoo kale waxay maamulka Puntland ku eedeyeen inay deeganadaasi ay ka wadaan xaalad Nabad-galyo daro, iyagoona ugU hanjabay inay Puntland deegaanadaasi iskaga baxdo muddo saddex cisho gudahooda.

 

โ€œWaar joojiya dhul boobka aad ka waddaan Bixin iyo Qol. Saddex cisho gudahood waa in halkaa lagaga waantoobaa, nabadgal-yadiina iyo naftiina ilaashada oo noo daaya Annagaโ€ ayuu yidhi mid kamid ah Saraakiishan maanta la hadlay warbaahinta.

Wuxuuna intaas kusii daray Sarkaalku โ€œHaddaydaan joojin, tallaabada aanu ka qaadno waxaad arki doontaan Garoowe oo Bisaduhu ku dhex meeraanโ€.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker