Dawlada Deegaanka Somalida Ethiopia oo Wafti u dirtay Degmada Sallaxaad oo dhawaan Beelo ku dagaalameen

Xukumadda Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya ayaa wafti u diray degmada Salaxaad,halkaas oo dhawaan dagaal geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah uu ku dhexmaray laba maleeshiyo Beeleed.

Wafdiga waxaa Hoggaaminayay Wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxweynaha,waxaana ay kulama la qaateen Odayaasha dhaqanka degmada Salaxaad iyo saraakiisha Ciidamada Fedaraalka Itoobiya qaybta Baali kadib markii si rasmi ah u hirgashay xabad joojin la dhex dhigay beelo wada dega Gobalada Erar iyo Afdheer ee Dowlad deegaanka Soomaalida.

Wasiir ku xigeenka Xafiiska Madaxweynaha Dowlad deegaanka Cabdi Risaaq Sayid oo ayaa sheegay in kulamada dhamaantood kaga hadleen sidii loo sii xoojin lahaa xabad joojinta la dhex dhigay labada beelood ee shaqaaqooyinka dhaxmaray ee wada dega Gobalada Afdheer iyo Erar.

Sidoo kale waxaa uu xusay in kulanka saraakiisha Ciidamada Fedaralka Qaybta ka howlgasha Gobalka Baali ka wada hadleen sidii qaybtooda uga qaadan lahaayeen xabad joojinta labada dhinac si aysan dhiig kale u daadan taasna ay ka ogolaadeen in la siiyo aag ay ka howlgalaan.

Dagaalkii deegaanka Salaxaad ee dowlad deegaanka Soomaalida ku dhexmaray labada maleeshiyo beeleed ee Soomaalida ah ayaa waxaa uu sababay geerida dad badan iyo barakaca Boqolaal Ruux

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker