Waa tuma shirkadda maanta guddida qandaraasyadu ugu dhawaaqeen in ay ku guulaysatay dhismaha suuqa Waaheen?

Waa tuma shirkadda maanta guddida qandaraasyadu ugu dhawaaqeen in ay ku guulaysatay dhismaha suuqa Waaheen?

Sida dhawaan mid ka mid ah warbaahinta Swaziland (Estawani) lagu baahiyey shirkadda dhismaha ee Inyatsi waa shirkad ku xidhiidhsan qoyska boqortooyada waddankaas oo caan ku ah xatooyada xoolaha dadweynaha dalkaas oo balaayiin gaadhaya, oo laga xusi karo mashruuca dhisme jid la yidhaa “Manzini-Sikhuphe” oo inta lacag badan lagu lunsaday dhawr bilood kadibna burburay.

Mid ka mid ah warbaahinta dalkaas oo musuqa shirkaddaas ka warramaya ayaa sidan qoray:

Agaasimaha shirkadda dhismaha ee Inyatsi waa Michello Shakantu, oo islaantiisu tahay wasiirka caddaaladda dalkaas. Sannadkii 2010-kii ayaa la siiyey qandaraas 1 Bilyan oo lacagta dalkaas ah oo lagu dhisayo 52km oo ah jidka taga garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Mswati. Jidkaas oo markii la dhammeeyey (January) siddeed bilood uun ka dib kala daatay.

Derrick Shiba, agaasimaha maamulka ee shirkaddaas oo arrinta wax laga weydiiyey ayaa isku dhaafiyey “Fadlan la xidhiidha xafiiska, anigu imika Zambia ayaan joogaa .. la xidhiidha madaxa xidhiidhka dadweynaha iyo suuqgeynta”.

Intaa kadiba suaalo diyaarsan waxa loo diray Ncobile Dlamini, madaxa suuqgenta iyo xidhiidhka dadweynaha, hayeeshee wax jawaab ah lagama helin, xilliga warbixinta la qorayo.

Wasiirka hawlaha guud iyo gaadiidka dalkaas, Ndlaluhlaza Ndwandwe, ayaa isaguna aan ka jawaabin weydiimo la xidhiidha shirkadda.

Shirkaddan dhismaha ee Inyatsi xidhiidhka ay la leedahay boqortooyada awgeed waxa u xidhan suuqa dhismaha dalkaas, waxana ay ku eedeysan tahay in ay isticmaasho agab ka hooseeya heer-tayeedka caadiga ah si ay dheefta u korodhsato!

Halkan ka akhriso qormo xatooyada shirkaddan ku saabsan: http://www.swazilandnews.co.za/fundza.php?nguyiphi=3022&fbclid=IwAR1vNm3D6pO9BCVbuOGbtkAZjFaTF5qL58Ldi2clTKmYiHY95nnSIt8hw90

Waxa qoray Faysal Jaamac

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker