Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Somaliland oo Shaki galiyay Wadahadaladii u dhexeeyay Somaliland iyo Somalia

Golaha wakiillada Somaliland ayaa si weyn u soo dhaweeyey booqashada uu madaxweyne Biixi uu ku tagay dalka Guinea Conakry, wuxuuna goluhu shaki ka muujiyey inuu sii socon karo wadahadalladii Somalia iyo Somaliland u dhaxeeyey.

 

 

Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa kulanka maanta golaha uu yeeshay uga warramay BBC-da, isaga oo si gaar ah shiishka u saaray hadalka ka soo yeedhay Dowladda Soomaaliya oo 24-kii saac ee u dambeeyey warbaahinta si weyn u dhex marayey.

Wuxuuna guddoomiya ku xigeenku sheegay “Jamhuuriyadda Somaliland haddii taariikh ahaan iyo waaqic ahaana loo eego cidina ma dafirsana iney ahayd qaran madaxbannaan oo 26-kii June madaxbannaanidiisa ka qaatay mustacmaraddii Ingiriiska.” ayuu yidhi

 

“Iyaga oo xor ah oo caqligooda qaba oo walaal jeceyl Soomaali jeceyl ayay ugu biireen oo ay ula midoobeen israacii labada gobol .

 

“Si taa la mid ah marki ay waayeen wixi ay ku riyoonayeen oo ay ku hungoobeen iyada oo dhibaatooyin iyo taariikh xoog leh oo badaniย  oo Qadhaadh kasoo maray israacii aan cidi ku qasbin,

 

ayay Hadanaย  dib Ula soo Noqdeenย  madax bannaani doodii, taa waa middi taariikhda Somaliland ku Xusan .waa xaqiiqa jirta oo dunida la macaamisha, oo dowladaha waaweyn oo caalamka la macaamilaan oo UN-ta la macaamisho.”

 

“Balse waxaa ayaan darra ah ummad Soomaaliyeed oo dal jeceyl iyo wada dhalasho iyo walaalnimo aan dowladdayadii dhammeed ugu hibeynay warki balada naga raacdayna aan nidhi aan kala eed la’aanno iney maanta ay jiritaanka iyo wixi Somaliland wanaag u soo kordho ay cadaawad ka muujiyaan . oo ay Tahay Cadaawadoodu mid Marag madoon ah .

Waxaa aynu Xasuusanahayย  Cadaawadii ay kala horyimaadeen Shirkadda DP world marki ay maalgashatay dekedda Barbara” ayuu yidhi guddoomiya ku xigeenka.

 

“Dowladda Somaliland waa dowlad Soomaaliyeed oo Soomaali u soo kordheysa madax bannaanideeda, jiritaankeeda, qaranimadeeda iyo dowladnimadeeda oo meel maraa waa qayb Soomaali ka mid ah oo meel martay, marka caqliga fayoow ee Soomaaliga muwaaddinka ah ma diidayo in qayb Soomaali ka mid ah ama Soomaali umad ay leedahay dowlad dhisatay hana qaad iyo horumar uma diidayo caqliga wanaagsan” ayuu yidhi .waa sida uu hadalka u dhigaye.

 

 

“Asalkaba haddii ay laba dowladood isku biireen, laba shirkadood ama laba kooxood isku biiraan oo la isafgaran waayo lama kala go’ine wey kala ambababxeen , wey kala noqdeen, oo wey kala gurteen” ayuu yidhi Guddoomiye ku xigeenka Golaha Wakiillada Somaliland Axmedyaasiin Sheekh Cali Ayaanle oo BBC u warramay.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Amb Axmed Ciise Cawad oo isna BBC u warramay wuxuu yidhi: “Somaliland ma aha dal madax bannaan oo ka madax bannaan Soomaaliya oo gooni u taagan adduunka meel u aqoonsan ma jirto saas, sharciyada adduunka oo dhan iyo go’aammada adduunka oo dhan UN. AU, Dalalka Islaamka, Carabta iyo Igad kulligood waxay qiraan Soomaaliya iney tahay hal dal iyo hal dal oo mid ah marka adduunku saasuu qabaa saaseyna tahay.”

“Adduunkana waa inaysan sidaas dalalka qaarkood ay ixtiraamaan weeye go’aammada adduunka ee ay qaybta ka yihiin, wixi khilaaf jira Soomaalida iyo iyaga dhexdooda iney ka wada hadlaan weeye, xukumadda Soomaaliyana sida xukumadihi hore diyaar ayey u tahay walaalahood Soomaliland la hadasho, la fariisato, la heshiiso, la isfahmo laakiin dalkaleeto inuu noo carqaladeeyo dhib noo abuuro kama yeeleyno waxaanna u sheegay inaan Ginea ka yeeleyn” ayuu yiri wasiir Cawad.

 

“Waxaan u sheegnay iney jiraan khatar iyo olole khatar gelin karo midnimada Soomaaliya oo socda waxaan u sheegnay in ololahaasi socdo ay ka mid yihiin dalal la yaqaanno sidaa daraaddeed waxaan codsannay in ay adduunka naga kaalmeeyaan iyo iney u sheegaan dalalka adduunka iney ka daayaan dhibka.” ayuu yidhi wasiir cawad oo ka warramayey waxa ay kala hadleen wakiillada dalalka caalamka u fadhiya Soomaaliya.

 

 

 

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker