Dawladaha Dunida oo soo dhaweeyay Heshiiska ay sida wadajirka ah u gaadheen Garabyada isku Haya Awoodda Dalka Suudaan
Dunida ayaa ficil celin wanaagsan ka sameysay heshiishka dhinacyadda Suudqaan.
Dawlad wadaag ah oo 5 /5 ah ayaa lagaga dhawaaqay Khartuum. Rayidka ayaa yeelan doona doonaa.
waxaana Awoodda Loo qaybsaday si isleeg.oo waliba ay Haldheeri leeyihiin Bulshada Raiyidku.
Militaryga ha xubin dheer.QM, Midowga Afrika, dalalka Carabta qaar iyo kuwa gobolka ayaa u sacaba tumay. Heshiiskaasi.
Ergayga midowga Afrika Hassan Lebatt ayaa ku sifeeyey” Marxalad laga gudbay buuqii Suudaan”.
Hogamiyayaasha ku bahoobay Alliance For freedom and Change ayaa sheegay inuu kacdoonkii Suudaan guulaystay.
Afhayeenka kooxda ayaa sheegay in Militarygu ay si kastaba isugu dayeen inay jilbaha dhulka u dhigaan rabitaanka shacabka laakiinse ugu danbeyntii talada lala qaybsaday.Golahan wuxuu talada u qaban doonaa wareegto
laakiin markastaba xubin joogta ah ayuu yeelan doonaa rayidku halka marka rayidku talada hayaan aysan Militarigu waxba yeelan doonin oo Askar ka yihiin talada.
the Sudanese Professionals Association (SPA), ayaa dhankooda sheegay inay ku heshiiyeen ururkooda guud waxii u haboonaa Suudaan.
Dhanka kalena heshiiska waxa ku jira in la baadho xasuuqii 3 June lagu kiciyey dadkii fadhiyey Afaafka Hore ee Wasaarada gaashaan-dhiga.
Dalalka soo dhaweeyey dhamaantood waxay sheegeen inay tahay talaabo lagaga soo kaban karo bilo Wadanka Suudaan ku jiray jaha wareer iyo hubinti la’aan masiireed oo Suudaan hadhaysay




