Dad Ethiopian ah oo Lagu Laayay Magaalada Boosaaso ee Maamul Goboleedka Puntland
Boosaaso (OWN) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha weeraro is-xig Xigay oo maanta lagu qaaday tahriibayaal ajnabi ah oo ku sugnaa magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.ee Maamulka Puntland.
Weerarada oo ay fuliyeen rag hubeysan oo aan heybtooda la garanayn ayaa lala beegsay Tahriibayaal Itoobiyaan ah oo ku sugnaa magaaladaasi.
Weerarka koowaad ayaa ka dhacay waddada laamiga ee soo gasha Boosaaso, kaas oo lagu beegsaday gaadhi ay la socdeen dad tahriibayaal Ethiopian ah.
Sidoo kale weerar labaad ayaa ka dhacay gudaha magaalada, kaas oo isna lagu qaaday guri ay ku sugnaayeen tahriibayaal kale.
Ugu yaraan labo qof oo ay mid ka mid tahay haweeney ayaa ku dhintay weeraradaasi, halka ay ku dhaawacmeen 3 kale, sida ay goobjoogayaal u xaqiijiyeen idaacadda VOA.Laanteeda Afka Somaliga
Dadka ku dhintay weeraradan iyo kuwa ku dhaawacmay ayaa dhammaan ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee dalka Itoobiya
Lama oga ujeedada rasmiga ah ee ka dambeysa weeraradaasi. Sidoo kale ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka Puntland.
Shalay ayey aheyd markii iska hor imaad u dhexeeyay ciidamada Puntland iyo maleeshiyaad ilaalo u ah kooxaha wax tahriibiya uu ka dhacay deegaanka Mareero ee gobolka Bari.




