Madixii Shirkadda Safaricom ee Dalka Kenya oo Geeriyooday

Bob Collymore oo madax ka ahaa shirkadda Safaricom oo ka mid ah shirkadaha ugu waawayn dhanka isgaarsiinta ee Bariga Afrika ayaa geeriyooday, sida ay shirkaddu ku dhawaaqday.

War qoraal ah oo kooban oo shirkaddu soo saartay ayay ku sheegtay in uu subaxnimadii Isniinta u geeriyooday xanuunka Kansarka isaga oo gurigiisa ku sugan.

Bishii Oktoobar ee sannadkii 2017 ayuu Bob aqbalay in xanuunka kansarka ee dhiigga ku dhaca lagaga daweeyo UK, wuxuuna shaqada dib ugu soo laabtay bishii JULLY ee sannadkii 2018,” ayay shirkaddu intaas ku sii dartay.

Intaa a wixii ka dambeeyayna dawayn ayaa u sii socotay balse “xaaladdiisa ayaa ka sii dartay toddobaadyadii u dambeeyay”.

Bob Collymore ayaa Agaasime guud ka noqday shirkadda Safaricom sannadkii 2010, wuxuuna ka caawiyay in ay hoggaanka u sii hayso adeegga mobile-ka ee gobolka, iyadoo adeegyada ay bixiso ay ka mid tahay hanaanka lacagaha la isugu diro ama wax lagu kala gato ee Mpessa.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker