Axkaamta Soonka dersiga 1aad W:Q:Dr-Abdulqani Hussein Beder

RAMADAAN KARIIM – Dhammaan akhyaarta bar bulsheedkan.
Hambalyeyn:
Ugu horrayn waxa aan naftayda iyo idinkaba u hambalyeynayaa in Alle – korreeye – inagu simay bishan barakaysan ee Ramadaan 1441 H., imisa qof ayaad garanaysaan oo aan nasiibkaas helin?
Aynnu Alle ku mahadinno, kuna dadaallo in aynnu fursaddan dahabiga ah ka faa’iidaysanno.
Xasuusin:
Sidii caadada ii ahayd waxa aan bishan barakaysan ee Ramadaan idin la wadaagi doonaa duruus ku saabsan: Axkaamta Soonka.
Hordhac:
* Soonku waa tiirka afraad ee Islaamka.
* Waxa la sharciyeeyey sannadkii labaad ee Hijrada Nebiga (Naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee).
Fadliga Soonka:
* Soonku waa cibaado aad u fadli badan, waxa ku soo arooray fadligeeda axaadiis badan oo Nebiga (SCW) ka sugnaatay, waxaana ka mid ah:
1- Waxa la furaa albaabada Jannada oo dhan, waxaana la xidhaa albaabada Naarta.
2- Waxa la silsiladeeyaa shayaadiinta madaxa adag.
3- Malaa’igtu waxay denbi-dhaaf Ilaahay u waydiisaa qofka sooman ilaa uu ka afurayo.
4- Waxa ku jira habeenka laylatul qadriga oo kun bilood ka fadli badan.
5- Habeen kasta oo Ramadaan ah Illaahay dad buu naarta ka xoreeyaa (Alle kuwa la xoreeyey haynaga dhigo).
6- Qofka soomman luunka afkiisu wuxuu ka udgoon yahay Alle agtiisa cadarka miskiga ah (Miskigu waa cadarka ugu udgoon wax la udugsado).
7- Ilaahay wuxuu u denbi dhaafaa qofka maalinteeda sooma iyo ka habeenkeeda tukada.
8- Jannada waxa ku yaalla albaab Rayaan la yidhaahdo oo dadka sooma oo keliyi ka galaan.
Iyo fadaa’ido kale oo badan, halkanna aynaan ku koobi karin.
Macnaha Soonka.
* Soonku waa in laga dhowrsado- fogaado- waxyaalaha buriya soonka, marka waagu dillaaco ilaa ay cadceedu ka dhacayso, iyadoo ficilkaas looga jeedo in ilaahay loogu dhowaado- cibaado-.
Tiirarka Soonka.
* Soonku wuxuu leeyahay laba tiir/rukun oo uu ku taagan yahay, kuwaasoo kala ah:
1- Niyad cibaado – macnaheedu waa inuu qofku u afxidho cibaado ahaan.
2- Ka dhowrsasho wax kasta oo soonka burinaya wakhtiga soonka.
Yuu ku waajibay soonku?.
* Soonku wuxuu ku waajibay qof kasta oo astaamahan soo socda laga helay:
1 In uu Muslim yahay.
2 In uu qaan gaadh yahay- qaan gaadhnimada raga/labka waxa lagu gartaa:
1) Inuu Shan iyo toban sanno jirsaday.
2) Inuu timaha hoose ee cawrada dhinacyadeeda ka soo baxa isku arko.
3) Inay biyaha taranku ka yimaadaan (Manida).
Qaan- gaadhnimada dhedigga/haweenka- waxa saddex daas kore u dheer, laba kale:
1) Inay dhiiga caadada ee bisha hesho.
2) In ay uuraysato- ilmo qaado.
Qof kasta oo laga helo mid ka mid ah calaamadahaas kore waa qaan- gaadh, gaadhay da’dii mukalafnimada, xataa haduu toban sano oo keliya jiray.
3 In uu miyir qabo oo xiskiisu dhanyahay.
4 In uu neg yahay – muqiim- oo aanu socoto -safar- ahayn.
5 In aanay gabadhu lahayn dhiiga caadada ama dhalmada.
6 In uu caafimaad qabo, oo aanu qabin xanuun u diidaya inuu soomo.
Fadlan faafi si looga faa’iidaysto adna aad ajar uga heshid.
Ramadaan Barakaysan dhammaantiin
Ilaahay acmaasha wanaagsan hayna waafajiyo oo haynaga aqbalo. Aamiin.
La soco casharka xiga——
Dr-Abdulqani Beder

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker