Madaxweynaha Israa’iil oo soo hadlay

Madaxweynaha sraa’iil Isaac Herzog ayaa hadda la hadlay warbaahinta isagoo dhex taagan qoysaska ay Xamaas afduubatay 7-dii Oktoobar 2023.

Waxa uu sheegay in Israa’iil ay “si walaac leh” u sugayso 48-ka qof ee soo hartay in la soo celiyo.

“Waxaan la joognaa qoysaska la haystayaasha guud ahaan”, iyo kuwa dhintay, ayuu yiri.

Herzog waxa uu intaa ku daray in Xamaas ay “waajib buuxa ka saaran tahay” in ay sii daayaan dhammaan la haystayaasha, waxa uuna sheegay in Israa’iil ay “si taxadar leh ula socon doonto” si loo xaqiijiyo in dhammaan la sii daayo.

saga oo ka hadlayayTrump, madaxweynaha Israa’iil waxa uu sheegay in dhiggiisa Mareykanka ay ku qaabili doonaan “shacab badan oo Israa’iiliyiin ah oo mahadnaq iyo saaxiibtinimo u muujinaya”.

Waxa uu sheegay in Israa’iiliyiintu ay la dhacsan yihiin hoggaaminta madaxweynaha Maraykanka ee soo celinta la haystayaasha.

Xusuusin ahaan, Donald Trump ayaa la filayaa inuu Isniinta booqdo Israa’iil ka hor inta uusan u ambabixin Masar, halkaas oo uu shir guddoomin doono shir madaxeedka nabadda caalamiga ah.

Berrito, Herzog wuxuu intaa ku daray, “Ilmo ayaan gabax ka siin doonnaa waxaanan qaabili doonnaa wiilasheenna iyo gabdhaheenna oo ku soo laaban doona gurigooda.”

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker