Ururka Al-Shabaab Oo Sheegtay inay Weerar ku Burburiyey Xarun ay Leedahay Shirkad dhanka Isgaadhsiin ah oo ay Leedahay Kenya

Al-Shabaab ayaa sheegatay Mas’uuliyadda weerar lagu burburiyey Xarun ay laheyd Shirkadda Isgaadhsiinta Safaricom ee laga leeyahay dalka Kenya taas oo ku taalla deegaan lagu Magacaabo Dabasiti oo hoostagta degmada Ceelwaaq Kenya.

 

Deegaanka la Weeraray ee Dabasiti ayaa waxaa ku sugnaa Ciidamo ka Tirsan Booliska Kenya,waxaana la sheegay in dagaalka kadib ay Ciidamadaas isaga baxeen taas oo keentay inay Al-Shabaab galaan.

 

Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen inay weerarkaas ku gubeen oo ay dab qabadsiiyeen Xarunta Shirkadda Safaricom oo ay leedahay Dowladda Kenya.

Si kastaba weerarkaan ay Al-Shabaab ku burburiyeen Xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta Safaricom ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli xalay Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig Ciidamada booliska Kenya ku leeyihiin deegaanka Goorisa oo hoostaga Magaalada Gaarisa,kaas oo geystay khasaaro kala duwan.

home

Related Articles

Back to top button

Adblock Detected

Please consider supporting us by disabling your ad blocker