Dawladda Itoobiya oo heshay xidhmooyinkii ugu horeeyay ee talaalka Covid-19
Waxaa saakay magaalada Addis Ababa ee xarunta itoobiya gaadhay talaalka Covid-19 ee ah nooca la yidhaahdo Astra Zeneca.
2.2 malyuun oo talaalka taas oo noqoneysa xidhmooyin hor u dhac ah ayaa itoobiya ay iminka heshay .
Wasiirka caafimaadka itoobiya Dr Lia Tadesse, ayaa garoonka diyaaradaha ee Adis Ababa ku gudoontay talaalka.
Itoobiya waxay horay u sheegtay in ay qorsheeneyso in ay talaasho 20% dadkeeda dhamaadka sanadkan 2021.
Dowlada Jabuuti ayaa iyadanu shalay heshay talaalka.
Dalkeena Soomaaliya ayaa la filayaa in uu talaalka gaaro maalmaha soo socda.I





